ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta

Dhacdooyinka caalamka


 Nin Taajir ahaa oo xubin ka ahaa dabaqada maal-qabeenka sare ee dalka ruushka ayaa daaqadda gurigiisa ka arkay nin guri la'aani ay u raacday dhar la'aan barafka korkiisa saaran intuu ka yaabay iyo halka uu fadhiyo ayuu u soo degtay oo cod jilicsan ku yiri ninyahow maxaan kuu qabtaa?

Ninkii faqiirka ahaa ayaa ninkii tujaarka ahaa ka codsaday Koorka Dhaxanta tujaarkii oo aad uga xun rafaadka iyo silica uu ku nool yahay ninka faqiirka ah ayaa u ballan qaaday inu u keeni doono koor weyn iyo weliba casho culus oo deg deg ah

Nasiib darro dhawr taleefan oo u soo dhacay darteed ninkii taajirka ahaa wuu halmaamay ninkii faqiirka ahaa markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo waxaana ku qornaa hadaladaan

Inta aadan ii sameyn ballan qaadka waxaan ahaa nin adkeysi u leh Gaajada iyo Dhaxanta waxaanse tabar-dhigay oo dhaxanta iyo gaajada jirkeeyga u nugleeyey balan qaadkii beenta ahaa ee aad ii sameysay waana sababta soo dedejisay geerideeyda fadlan ha ii ooyin geerideeyda kadib waayoo waxaa jirtay mar aad wax ii qaban kartay maantase waxba iima gashid oo waxaan ku biiray duni kale

Ujeedka ballan qaadka beenta ah wuxuu sababi karaa saameyn fog oo qofka bini' aadanka ah ku yeelata noloshiisa mid galaafata ee ka feejignoow oo sabab ha u noqon geerida ama waalida qof islaameed hana dhaawicin qalbiga aadmiga ee daciifka ah

Post a Comment

0 Comments