Cuntooyin u Wanaagsan Caafimaadka Indhaha

Dhacdoouinka caalamka


 Caleenta cagaaran waxa ka mid ah salladhka, kaabashka, kostada iyo wixii la hal maala ee dadku cunaan ama khudaar ka dhigtaan waayo caleemta cagaaran waxa ku jira maadooyinka antioxidants, zeaxanthin iyo luetin oo ay kaydsato qaybta la yidhaa Macula ee ka tirsan isha waana qayb ka mida retina oo ah qaybta sida dabiiciga ah marka cadceeddu qofka qabato indhaha xidha ama isha ka difaacda iftiinka badan

Sidoo kale Antioxidants-ka laga helo caleenta cagaaran waxay nuugaan laydhka buluugga ah oo dhab ahaantii khatar badan u keena qaybta retina la yidhaa ee indhaha ama waxay qofka u keenaan inuu si fiican midabada u kala garto waxaanay cilmi-badhayaal badan sheegeen in maadooyinka zeaxanthin iyo lutein ay hoos u dhigtaan halista cudurrada indhaha ku dhaca sida in qofku indho beelo marka uu da’ noqdo

Caleenta cagaaran ee khudaar ahaanta loo cuno waxay sidoo kale u fiican yihiin caafimaadka guud ee qofka sababtoo ah waxa ku jira macdanaha potassium, magnesium folate, faytamiin E iyo KA iyo weliba antioxidants si ay unugyada u difacaan ama xannuunka asaasaqa uga hortagaan wanaagsan waa arabikhida oo ay ku badan yihiin maadooyinka ka midka yihiin zeaxanthin iyo lutein oo u wanaagsan indhaha waxayna indhaha siisaa haddii qofku koob badhkii cuno 1.8 gram oo midab-sameeyeyaasha indhaha ah

Arabikhida waxa ku badan faytamiinnada c, b5 (Pantothenic Acid), b1 (thaimin) iyo folate, sidoo kalena waa il muhiim ah oo laga helo macdanaha ay ka midka yihiin magnesium, phosphorus, iron, copper, manganese, zinc oo jidhka bani’aadamka ka caawisa inuu kansarka macaanka iyo wadne-xannuunka iska difaaco tamaandhada ama yaanyadu waa il muhiim ah oo haddii la cuno laga helo maadada carotenoid oo ay ku sii jirto lycopene oo ah maadada dhabta tamaandhada midabka casaanka u samaysa

Daraasad laga sameeyey ayaa sheegtay in maadadaasi indhaha, gaar ahaan qaybta retina ka difaacdo laydhka dhaawac ku keeni kara sidoo kale waxay maadadani ka hortagtaa amma unugyada jidhka ka difaacdaa dhaawaca uu u keeno cudurka kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka caloosha iyo sambabada waxa kaloo tamaadhanada aad ugu badan faytamiin c oo isagu indhaha ka ilaaliya in aragu ka tego amma dhaawac ka gaadho xagga aragga waxaannu u saamaxaa in Iron jidhku ka nuugo cuntada qofku quuto

Baradhadu waa cuntooyinka lagu tiriyo macaanka waxaanay aad waxtar u tahay caafimaadka indhaha sababtoo ah sida kaarooga waxa ku badan madooyinka beta carotene, faytamiinada A iyo C, fiirlayda, macdanaha manganese iyo potassium oo dhammaantood u fiican caafimaadka indhaha

Post a Comment

0 Comments