Taliyihii ciidanka booliska magalada muqdisho farxaan qaroole ayaa lagu dilay qarax miino oo dhulka lagu aasay

 

Farxaan qaroole

 Taliyihii ciidamada booliska gobolka banaadir jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (farxaan qaroole) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee muqdisho qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha

Farxaan qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay miinada ayaa qaraxday xilli ay ciidamada iyo saraakiisha wadaan howlgal miino baaris ah oo laga sameenayey inta u dhaxeyso deegaanada Balcad iyo Basro

Farxaan qaroole si uu u sugo ammaanka caasimadda wuxuu 24 saac ka yar kula wareegay dhulka u dhaxeeya afgooye iyo balcad wuxuu sameeyay qorshe muqdisho ammaankeeda looga sugayo labada shabeelle si loo xakameeyo qaraxyada iyo dilalka muqdisho loona soo afjaro baadda ay ganacsatada ay ka qaadaan kooxdan AS farxaan wuxuu ka dagay gaariga isaga oo ciidamada ku amray in ay lugeeyaan waxeyna miinadu la kacday isagoo dhulka taaggan gaarigiisii aan xabbadka karina dhinac socdo waana dhaqan geesinimo ah oo lagu xusuusto farxaan mar walba oo uu howlgal ka qeyb galaayo

Wuxuu aaminsanaa in qaddarta loo dhinto qof walbana waqti leeyahay farxaan qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgalka Al-Shabaab looga saaray basra waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka basra sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda 

Farxaan ayaa ku biiraya saraakiil sare oo ka tirsan dowladda oo ay dileen al-shabaab tan iyo markii dowladda soomaaliya ay ku dhawaaqday howlgallada milateri ee ka dhanka ah al-shabaab c/casiis abuu-muscab oo ah afhayeenka howlgallada ciidamada al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay mas’uul ka ahaayeen

Post a Comment

0 Comments