Putland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay 150 qarax iyo raggii fulin lahaa

  

Al-shabab

 Taliyaha ciidamada booliska gobolka mudug ee puntland gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ka dhan ah al-shabaab oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee maamulkaasi muumin cabdi shire ayaa shaaca ka qaaday in ay wadeen howlgalladaan ay ku soo qabteen illaa 150 qarax 

Kuwaas oo uu tilmaamay inay kooxda Al-Shabaab u qorsheysay in ay ka fuliso deegaannada puntland iyo somaliland sida uu hadalka u dhigay taliyaha ayaa sidoo kale xusay inay gacanta ku dhigeen laba shabakadood oo u xil-saarnaa fulinta qaraxyadaasi balse ma carab baabin goobta ay ku qabteen

Sidoo kale taliyaha qaybta booliska gobolka mudug ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulkaasi ay u suuragashay soo qabashada raggii ka dambeeyey dilalka saddex qof oo dhowaan ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ujeedka laga lahaa dilalka saddexdaasi qof ayuu sidoo kale ku tilmaamay inay aheyd sidii la’isaga horkeeni lahaa beelaha wada daga halkaasi

Al-Shabaab waxay dileen saddex qof labo qof oo kamid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan nin nabaddoon ah baa la dilay ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka mudug ee maamulka puntland waxa uu intaasi ku daray in puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb-qaadato dadaallada uu maamulka galmudug ku doonayo in al-shabaab looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin

Muumin cabdi shire taliyaha taldhiga booliska gobolka mudug ee maamulka puntland ayaa ugu baaqay cid kasta inay ka qayb qaadato weerarada ka dhanka ah alshabab taliye muumin ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka iyo sida wadajirka ah ee lagu wiiqayo dhaq-dhaqaaqa alshabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Post a Comment

0 Comments