Dalka mareykanka waxaa ka dhacay qoys ku soo toosay gaadhi saqafka gurigooda saaran

 

Dhacdooyinka caalamka

 Qoys waayeel ah oo u dhalashay dalka Maraykanka ayaa ku waabariisatay xaalad layaab leh oo iyagoo hurda gurigooda ku hab satay kaas oo ah shil aanay u fadhiyin oo ay ku soo tooseen gaadhi kuwa afarta taayir ah oo saqafka sare ee gurigooda saaran.

Sida wakaaladaha wararka dunidu qoreen lamaanahan oo lagu kala magacaabo Ken Bienlein iyo Annette Bienlein ayaa salaadii hore ee aroornimo ku soo toosay gurigooda oo kooxaha gurmadka iyo dad badan oo jaarku ay ku urursan yihiin, shaqano ka socoto

Waxaanay ogaadeen in gaadhi xawaare sare ku socdaa uu habeenimadii saqafka sare ee gurigooda galay, taas oo ku noqotay layaab sababtoo ah? waxa uu gaadhigani galay saqafka sare ee guriga oo shan iyo toban feet ka sareeya dhulka

Sida la sheegay gaadhigan ayaa wadihii watay kala baxay jidka ka dib markii uu xawaare aad u sareeya ku kaxeeyay waxaanu isaga oo duulaya ku joogsaday saqafka sare ee guriga oo uu shan iyo toban dhudhun qiyaas le’eg kor u fuulay

Waayeelkan ayaan iyagu dareemin xiliga gaadhigu galay saqafka gurigooda waxaanay ku waa bariisteen gurigii oo hawl badbaadin ahi ka socoto waxaanay kooxaha gurmadku hawl gal dheer ka dib ku guulaysteen inay gaadhigii ka soo dejiyaan saqafkii guriga ee uu galay ka dib markii ay wiish u adeegsadeen

Gaadhigan oo uu watay nin lagu magacaabo Alva Richards oo shan iyo soddon jir da’diisu tahay ayaa xawaare aan caadi ahayn ku kaxeeyay ka dib markii uu waxyaabo darooga ah isticmaalay waxaanay taasi sababtay in gaadhiga oo dayaansani kala baxo jidka ka dibna isagoo jaran uu dusha ka fuulo guriga qoyskan waayeelka ahi ay degan yihiin oo ku yaala Newburg oo 30km u jirta magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin

Post a Comment

0 Comments