Nin loo haystay inuu maseyr dartii u dilay saaxiibtii oo rubuc qarni ka dib la bari yeelay

 

Dhacdooyinka caalamka

 Sanadkii 2000 Cadnaan Syed oo markaas ahaa arday dhigata dugsiga sare ee sanadka afraad ee baltimore maryland ee dalka mareykanka waxaa  ku dhacay  xukun ah dilka saaxiibtiisii hore oo lagu magacaabi jiray hye min lee kiisku waxa uu noqday mid si weyn looga hadal hayay dalka maraykanka halkaas oo ay dacwad oogayaashu ku tilmaameen syed in uu yahay qof rabshad badan oo hinaase (masayr) u dilay gabar da’yar oo ahayd qof karti badan

Isniintii garsoore ayaa soo saaray amar uu ku burinayo dambiga lagu soo oogay wuxuuna qabtay waqti kama dambeys ah oo ay dacwad oogayaasha ku go’aamin doonaan in dib loo maxkamadeeyo syed iyo in kale syed ayaa mudadii uu xabsiga ku jiray ku adkeysanayay in uusan wax dambi ah lahayn wuxuu tagaeero ka helay meelo uusan filaynin in ka badan 10 sano oo syed xabsiga ku jiray Rabih Choudary oo ah qareenka baltimore saaxiibna la ah qoyska syed ayaa email u diray wariye sarah koenig isaga oo ka codsaday inay dib u baarto dilkii lee

Fariintani waxay gacan ka gaysatay in la baahiyo Warbixinno Tixane ah oo ku saabsan wixii dhacay habeenkii la dilay hye min lee tani waa su'aasha udub-dhexaadka u ah warbixinnada la baahiyay ee arrintaan la xiriiray sannadkii la soo dhaafay waxaan maalin walba dadaal lagu bixiyay sidii loo ogaan lahaa qaabka ay suurta gal u noqon karto in wiil dugsi sare dhigta uu dil caynkaasi gaysan karo dhibka jira ayaa ah in wiilasha ay wareysatay gabadha wariyaha ah  ay noqdeen dad qaangaar ah

Sheekaduna ay is beddeshay iyo iyadoo dhacdo kasta ay daaha ka qaadaysay faah-fahain cusub iyo tuhmanayaal cusub dadka adeegsada baraha internetka ayaa soo bandhigaya aragtidooda arrintaan la xiriirta muddo bilo gudaheed ah xanta iyo ka doodista kiiska ayaa gacan ka geysatay xukunka lagu amray sii deyntiisa dhacdadii ugu dambeysay ee lagu bahaiyay warbixinnada tixanaha ah ee koenig waxay ka hadlaysay sababta xukunka cadnaan syed loogu riday

Waxay sheegtay in qareennadiisa ay ka hadleen soo ifbaxa cadeymo cusub oo muujinaya in dacwad oogayaasha maxkamaddii asalka ahayd ay ku guuldareysteen inay baaraan laba tuhmane waqtigaas oo baarayaashu ay wax ka ogaayeen qareenada syed ayaa sidoo kale su’aal galiyay sida loogu kalsoonaan karo marag furka marqaatiyada iyo buugga taleefoonada gacanta ee loo adeegsaday in xukun lagu rido

Garsooraha ayaa dhageystay difaaca wuxuuna go’aansaday in uu meesha ka saaro xukunka syed balse taasi macnaheedu maaha in lagu waayay dilka lee xeer-ilaaliyeyaashu hadda waa inay go'aansadaan inay codsadaan in dib loo soo celiyo cadnaan syed ama dib loo furo kiiska hye min lee oo ay raadiyaan tuhmanayaal cusub dacwad oogayaasha ayaa haysta 30 maalmood 

Si ay go'aan uga gaaraaan in mar kale dib loo furo dacwadda iyo in kale haddii baaritaannada dilka lee dib loo furo caddayn cusub ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysato in edeymaha loo jeediyay ay meesha ka baxaaan waxa kale oo laga yaabaa inay caawiso qoyska lee ee murugaysan oo ay suurta gal tahay in arrintu waji kale yeellato dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay jiraan labo tuhmane oo kale balse midna lama magacaabin ama lagu soo oogin wax kiis ah

Post a Comment

0 Comments