Ciidamada mareykanka oo caawiyey kacdoonka ka socda hiiraan iyo al-shabaab oo xubno badan laga dilay

 

Al-shabab

 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso marxalad kale oo dagaal oo al-shabaab looga saarayo gobolka shabellaha hoose iyo guud ahaan deegaanada kale ee dalka arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasiirka gaashaandhigga c/qaadir maxamed nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye gaas odowaa yuusuf raage ay booqasho ku tageen xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaasi oo ciidamada qalabka sida ay ka wadaan diyaar garowga howlgallada ka dhanka ah al-shabaab

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo ciidamada inay naftooda u huraan sidii al-shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan waxaana ay carabka ku adkeeyeen in howshaan ay sii socon doonto inta laga ciribtirayo Al-Shabaab meel kasta oo ay ka joogaan dalka golaha dhaqanka iyo midnimada soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay shacabka kala shaqeeyaan arrimaha amaanka wax ka qabashada Abaaraha iyo in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha dega deegaanada 

Dhinaca kale dowladda mareykanka ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadatay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka hiiraan kaas oo lagu jebiyey kooxda al-shabaab bayaan ka soo baxay taliska ciidamada mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor 20-kii bishaan sebtembar ay dowladda soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab oo ku sugnaa degaanka aboorey oo hoos taga magaalada buuloburde

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo shabaab ah inta la xaqiijiyey sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah sidoo kale mareykanku wuxuu qiray in dagaalka hiiraan ay ciidanka xoogga soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah

Sidoo kale taliska mareykanka ee africon wuxuu balan qaaday in aad looga taxadari doono waxyeelo soo gaarta rayidka iyagoo sheegay in kooxda la baacsanayo ee al-shabab ay si joogto ah u wax yeeleyso shacab aan waxaba galabsan taliska ciidanka xoogga dalka ayaa maanta shaaciyey in howlgalka ka socda gobolka hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab isla markaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda

Post a Comment

0 Comments