Al-shabab oo laga saaray deegaaano ka tirsan jambaluul iyo tawakal ee hoostaga gobolka shabeellaha hoose

Al-shabaab


Ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan ururka 7-aad guutada 18-aad ee  gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin kuyaalla gobolka shabeelaha hoose oo ay maamulayeen kooxda al-shabaab saraakiisha ciidanka gorgor hoggaamineysay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka gaareen toolooyin ay kamid yihiin jambaluul yo tawakal oo hoostaga gobolka shabeelaha hoose

Ciidanka kumaandooska iyo dadka deegaan oo iskaashanayaan ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin kuyaalla gobolka shabeelaha hoose oo ay maamulayeen kooxda al-shabaab ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa gaareen deegaano ay ka mid yihiin jambaluul iyo tawakal kabtan Xaashi Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay burburiyeen maxkamadda alshabab ay ku leeyihiin deegaanka jambaluul iyo xarun argagixiso oo ku taalla deegaanka kahro

Halkaasoo ay ku soo bandhigeen dukumiintiyo been abuur ah oo ay fallaagada ka qaadan jireen hanti ay lahaayeen dadka deegaanka dhanka kale taliyaha ciidamada daraawiishta korneyl Nuur Hayir ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada ciidan ee lagu xoraynayo dhamaan tuulooyinka gobolka sh/hoose

Degaanada laga xureeyay maleyshiyada al-shabaab ayaa hore waxa ay dhibaatooyin kala kulmi jiray dadka shacabka iyagoona shacabka markii ay arkeen ciidan labisan dareeska qaranka ay si wanaagsan ugu warbixiyay baada kooxda al-shabaab saraakiisha ciidanka ayaa sheegay degaanada laga xureeyay nabadiidka al-shabaab ayaa ka jiraan dhibaatooyin nololeed ayna dowladda ka codsanayaan in ay la soo gaaraan gargaar degdeg ah si loo badbaadiyo nafaf badan

Post a Comment

0 Comments