Ma Jirto Cid Joojin Karta Haaland 50 Gool Oo Premier League Ah Ayuu Dhalin Doonaa Xilli Ciyaareedkan

 

Premier league

 Manuel akanji ayaa rumaysan in saaxiibkiisa manchester united ee Erling Haaland uu xilli ciyaareedkan dhalin doono 50 gool oo horyaalka premier league ah oo ah wax aan hore uga dhicin horyaallada waaweyn intii ay jireen balse waxa uu ku ladhay waa in uu ka badbaado in ay dhaawacyo soo gaadhaan

Haaland ayaa waayihiisa Premier League ku bilowday si heersare ah waxaana siddeed ciyaarood gudahood uu ku dhaliyey 14 gool isaga oo toddoba gool ka sarreeya ciyaartoyga kusoo xiga ee harry kane mohamed salah ayaa haysta rikoodhka gool-dhalinta horyaalka premier league oo 38 ciyaarood ku dhaliyey 32 gool xilli ciyaareedkii 2017-18 

Laakiin marka la eego xisaab ahaan sida uu haaland ku socdo way u fududahay in uu waqti horeba dhaafo tirada goolasha uu salah rikoodhka ku hayso manuel akanji oo haaland ay usoo wada ciyaareen Borussia Dortmund ayaa sheegay in ay adag tahay in la qabto laacibkan oo uu gaadhi doono konton gool waxaanu yidhi way adag tahay in la joojiyo haddii uu taam ahaado waxa uu gaadhi doonaa 50 gool oo premier league ah

Erling haaland ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey horyaalka bundesliga waxa dhibaateeyey dhaawacyo dhinaca muruqa ah oo kusoo noqnoqday waxaana uu kaliya ciyaaray 24 kulan oo uuna dhaliyey 22 gool taas oo ka dhigan in tirada kulamada uu dheelay iyo goolashiisu ay isku dhow yihiin

22 jirkan ayaa fursad nasiimo ah heli doona inta lagu maqan yahay koobka adduunka waxaana uu tababare pep guardiola xaqiijiyey in uu siin doono fasax hal ama laba toddobaad ah

Post a Comment

0 Comments