3 Talo Ka Qaado Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan!

Dhacdooyinka caalamka

 Qaar badan oo ka mid ah maalqabeenka iyo dadka guulaystay ee adduunka ayaa marka hoos loo dayo noloshooda gaarka ah waxaa la ogaadaa in hurdada habeennimo aad ugu yartahay iyo in ay tobannaan go’aan maalin kasta qaataan iyo midda ka sii daran oo ah in aanay naftooda waqti u helin laakiin Jeff Bezoz oo ah ninka dunida maanta ugu maalqabeensan oo adduunkiisu gaadhay 181.4 bilyan oo doolar ayaa sheegaya in fureyaasha guushiisa ay ka mid tahay


1. 8 saacadood oo uu seexdo Habeenkii

2. go’aamada uu maalintii qaadanayo oo aanu saddex ka badin

3. iyo in uu shirarkiisa ugu badan galo waqtiga qadada ka hor oo aan galabtii iyo habeenkii u dhigan si uu maskaxdu inta ay firfircoon tahay uga faa’iideeyo

Aasaasaha iyo agaasimaha shirkadda amazon ayaa buuggiisa ‘Invent and Wander’ oo soo baxay 17 kii Noofambar 2020 waxyaabaha xiisaha leh ee uu kaga warramay waxaa ka mid ah hababka uu go’aamada u qaato isaga oo dhinaca kalana sheegay muhiimada ay leedahay in qofku uu habeenkii seexdo siddeed saacadood iyo in waqtigiisa wax ka siiyo carruurtiisa iyo qoyskiisa, iyo wax akhriska

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shaqada lagu soo koobo siddeeda saacadood ee dabiiciga ah isaga oo naftiisa tusaale ugu soo qaatay in marka ay gaadho shanta galabnimo oo ay ku eegyihiin siddeeda saacadood in uu joojiyo hawl kasta oo uu waday wixii qabyo ahna shaqada beri ku darsado

Bezos waxa uu sheegay in 8 saacadood ay shaqada maalinnimo ku filan yihiin marka uu qofku yahay qof yaqaano sida ay hawlaha u yaallaa u kala mudan yihiin aqoonteedii leeyahay tamarna geliyo waxa kale oo uu sheegayaa faa’iidada ay leedahay in qofku uu ka fikiro hawlaha iyo caqabadaha ka sokeeya waxa uu filayo laba ama saddex sano kaddib in ay midho dhalaan

Taasi waxa ay u suurtagelinaysaa in uu hawlo fudud iyo go’aamo kooban qaato maanta midhahoodana sannado kaddib gurto ka baaraandeggaas go’aamada ayaa uu sheegay in ay ka hortag u yihiin in xaaladdu kedis ku noqoto oo uu isku dayo in uu maalin keliya go’aamo waaweyn qaato waxa uu sheegay guulo badan oo uu sannadka gaadho dadkuna ku hambalyeeyaan in ay yihiin guul saddex sano la soo karinayey

In aad imika ka soo shaqayso hawlo midhahooda la filayo laba ama saddex sano kaddib, ayaa horseedi kara guul dadku habeen iyod haraar dhexdood in ay ku dhalatay moodayaan waxa aanay kaa furanaysaa boqollaal go’aan oo aad maalin keliya wada gaadhi lahayd


Post a Comment

0 Comments