Maxaa Ku Cusub Caafimaadka Aadamiga Faa’iidooyinka Xabxabka

 

Dhacdooyinka caalamka

Daraasad caafimaadka ku saabsan oo dhawaan laga sameeyay dalka Britain ayaa daaha ka rogtay faa’iidooyinka ku duugan xabxabka oo ah khudaar si fudud dalkeena looga helo hadaba baadhitaan caafimaad oo mudo kooxo xeel-dheerayaal caafimaad sameeyeen waxa lagu ogaaday in cunista xabxabka oo la joogteeyaa ay jidhka aadamaha ka ilaaliso is badalka gabowga ama da’du ku keento

Sida cawdhadhka ama jactadka wejiga iyo guud ahaan maqaarka qofka marka da’diisu waynaato haleela sida warbixinta Khubaradaas lagu sheegay 34% ayay cunista xabxabku yaraysaa gabowga jidhka ku dhaca waxaana ugu wacan maadooyin xabxabka ku badan oo lagu magacaabo alcopin iyo beta-carotene oo iyagu caawiya nidaamka difaaca ee maqaarka aadamuhu kaga gaashaanto ama iskaga difaaco waxyeeladda falaadhaha qoraxdu ku keenaan jidhka

Kooxdan samaysay cilmi baadhista oo ka tirsan jaamacadda Newcastle iyo manchester ayaa intaa ku daray in isticmaalka maalin walba gaar ahaan xiliga qureecda oo uu qofku cuntooyinka uu qaadanayo ku daro xabxab ay unugyadda maqaarka ka ilaaliya jactatka aad u kordhaan geesta kale waxay talo ahaan ku bixinayaan kooxdan baadhitaanka sameeyay in la joogteeyo isticmaalka kaluunka iyo caanaha darayga ah gaar ahaan kaluunadda Salmon-ka iyo Tuunaha 

Laura Anis oo ka mid ah kooxdan baadhitaanka sameeyay ayaa intaa ku daray in isticmaalka maalin kasta hadii uu helayo uu qofku cuntadiisa ku darsado, kaluun ay wax wayn u tarto caafimaadka qofka maxaa yeelay? waxa kaluunka ku badan maaddada Acids omega-3 taas oo dhista lafaha aadna u yaraysa xanuunadda ku dhaca lafaha sida roomatiisanka oo kale

Waxa kale oo kaluunku uu wax wayn ka taraa caafimaadka indhaha iyo in aan arag indhuhu hoos u dhicin dhinaca kale badsashadda kaluunku caafimaadka jidhka iyo quruxda maqaarka wax wayn ayay ka tartaa haddaba xabxabka iyo kaluunka oo labaduba si fudud looga heli karo dalkeena waxa dhab ah in aynaan u isticmaalin ahmiyada caafimaad ee ay leeyihiina aynaan wax badan kala socon

Tusaale ahaan kaluunka oo badeena aadka u dheer ka buuxa laguna tilmaamo inay ka mid tahay kuwa ugu qanisan dunidda waxa xaqiiqo ah in xitaa dadka xeebaha u dhow ama ag degani aanay quudan oo ay isticmaalaan bariis iyo cuntooyin kale oo in lagu noolaado mooyee aan caafimaad ahaan faa’iido u lahayn aadamaha

Post a Comment

0 Comments