Maxaad Ka Taqaan Biriishka Jacaylka Iyo Halka Uu Ku Yaalo?

Dhacdooyinka caalamka

Biriishka Jacaylku waa mid ka mid ah meelaha loogu dalxiiska iyo booqashada badan yahay dunida waxaanu wakhtiyadan danbe ee isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshadu sida wayn u kordhay uu noqday mid sidii hore ka caansan oo dad badani ogaadaan Biriishkan waxa booqda malaayiin qof oo dadka Is jecel ee aduunka ku nool ah kuwaas oo meelo aad uga durugsan uga soo qasdiya in badan oo ka mid ahina ay kaba barakaystaan ka dibna kaga tagaan caalamad jacaylkooda ay ugu xirsi xidhayaan

Biriishkan oo hore loogu magacaabi jiray Le Bon Dezr waxa uu ku yaala magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaana la dhisay badhtamihii qarnigii hore hasa yeeshee sanadkii 1992-kii ayuu si rasmi ah u noqday biriishka jacaylka ee sida Batalaale oo kale dadka is jeceli u booqdaan biriishka waxa sadex sano ka hor mar qudha indhaha caalamku ku soo jeesteen markii dawlada hoose ee magaalada Paris ay ka fulisay hawl gal lagaga fujinayo hal milyan oo qufulo dad is jeceli ay ku xidheen 

Kuwaas oo xus jacayl iyo ka barakaysi in nasiibku u hagaago awgeed ay ugu xidheen, lamaanayaal is jecel oo dalkaas iyo meelo badan oo dunida u kala dhashay arrintan ayaa Warbaahintu xiligaas buun buunisay, waxaanay taasi sababtay in dad badan oo dhalinyaro is jecel ahi ay moodeen goob laga barakaysto oo jacaylka lagu ilaaliyo sida dhaqanka goobtani yahay lamaane kasta oo jacaylkooda u dun xidhaya ayaa ku dhejiya quful ay wada xidhaan ka dibna furihiisa ay ku tuuraan, wabiga hoos mara biriishka

Qaabkan ayay dadka badankoodu aaminsan yihiin in haddii ay sameeyaan uu jacaylkoodu ka nabad galo duruufaha halista ku ah, sida ay u qufusheena arrimoodu ugu xidh xidhnaan doonaan faro galina ay ka badbaadi doonaan muddo ka yar toban sanadood gudahood ayay goobtani isu rogtay xarun dalxiis oo sanadkii ay booqdaan malaayin dalxiise wax soo saarka dhaqaale ee uu soo kordhiyay awgeed 

Waxa ay dawlada hoose ee Paris ku samaysay, balaadhan lagu waynaynayo goobaha qufulada lagu xidho, oo waxa ay u samaysay biro u gaar ah, oo lamaanaha u fududaynaya inay si fudud ugu xidhaan qufulka jacaylkooda maalinba maalinta ka danbaysa ayay sii bateen ilaa heer ay gaadheen xadi aan la qiyaasi karin oo halis ku keenay dhismihii biriishkaas waxaana sida dawladda Hoose sheegtay sanadkii hore deg deg loogu gurmaday biriishkan oo ku dumi gaadhay culayska qufulada tirada badan ee lagu jabshay

Post a Comment

0 Comments