Haweenay 71-jir ku uuraysatay oo rajaynaysa inay dhawaan noqoto hooyada ugu da’da weyn adduunka

 

Dhacdooyinka caalamka

Haweenay 71-jir da’deedu tahay oo u dhalatay dalka Mexico ee koonfurta qaarada amerika ayaa warbaahinta uga warantay rejada ay ka qabto inay dhawaan noqon doonto hooyada ugu da’da wayn adduunka ka dib markii tobanaan baadhitaan oo lagu sameeyay ay cadeeyeen inay uur lix bilood ah leedahay

Haweenaydan ayeeyada ah oo magaceeda lagu sheegay Maria de la Luz waxa ay ku nooshahay magaalada mazatlan ee dalka mexico waxaanay hore u dhashay sagaal carruur ah oo ka ugu yar da’diisu sodon jir kor u dhaaftay maria de la luz oo warbaahinta maxaliga ah ee dalkeeda u warantay ayaa ka warantay uurkeeda iyo ilmaha ay caloosha ku sido oo layaab ku noqday ehelkeeda

Dhakhaatiirta iyo iyada lafteeda waxaanay sheegtay in markii ugu horaysay ay dareentay astaamaha walaca laakiin aanay ku xisaabtamin oo ay xanuun ku soo booday u qaadatay waxaan dareemay xumad, matag iyo dawakhaad badan xanuunka noocaas oo kale ah oo aan yaraantaydi marka aan uuraysto arki jiray ama igu dhici jiray waxay igu noqdeen layaab iyo u qaadan waa sababtoo ah? 

Maan filayn uur iyo walac toona sidaa awgeed marna ismaan odhan uur baad leedahay oo walac baa ku haya ee waxaan u qaatay in xanuun hor leh uu igu dhacay Ayay tidhi Ayeeyadan todobaatan jirka ku uuraysatay iyada oo hadalkeeda sii wata waxa ay intaa ku dartay Saddex Bilood ka dib ayaan u tagay xarun caafimaad oo xaafada aan deganahay u dhow halkaas oo markii baadhitaan la igu sameeyay ee qalabka uurku jirta lagu baadho ee “Ultrasounds” ka la I mariyay ay natiijo layaab nagu noqotay aniga iyo dhakhaatiirtu ka soo baxday

Waxa la ii sheegay inaan uur sadex bilood ah leeyahay laakiin ma noqon mid aan aniga iyo dhakhaatiirtii ii baadhaysay midkaayana rumaysanay waxaanay sababtay inaan tobanaan baadhitaan oo danbe galo kuwaas oo mar walba la igu xaqiijinayay inaan uur leeyahay oo aan waliba gabadh sido ayay tidhi maria de la luz haweenaydan ayaa ka warantay dareenka ay ka bixisay markii loo sheegay inay uur leedahay waxay igu noqotay lama filaan

Sababtoo ah? marka loo eego da’dayda oo ah mid aanan hawaysanayn laakiin ugu danbayntii waan ku farxay inaan noqdo hooyo oo aan ilmo yar oo qurux badan dhalo waxaanan dhawaan haddii qadarku ii rumeeyo aan dhali doona gabadh yar oo aad u qurux badan ayay tidhi haweenaydan ayaa xustay layaabka iyo sakatiga carruurteedi hore ay ka qaadeen uurkeeda 

Waxaanay sheegtay in eheladeedu kula taliyeen inay iska soo rido sababtoo ah? waxay u baqdeen ayay tidhi caafimaadkayga iyo gadaha aan ahay oo ah mid aan dhalmo iyo ilmo laga filayn 71-jirkan uurka qaaday ayaa ku faraxsan inay noqoto hooyada ugu da’da wayn aduunka waxaanay sheegtay inay diiday talooyinkii carruurteedu siiyeen taa badalkeedana ay rejaynayso inay ilmihii tobnaad dhasho

Sida dhakhaatiirtu sheegeen waxa marka ay umulayso lagu samayn doona qaliinka tartanka ee afka qalaad loogu yeedho “caesarean”-ka waxaanay noqonaysaa haweenaydii ugu da’da waynayd dalka mexico oo waxa ay jabisay rikoodhkii hore ay u dhigtay haweenay 66-jir mataano ku dhashay oo lagu magacaabi jiray maria del carmen bousada sanadkii 2006-dii

Post a Comment

0 Comments