Al-Shabaab oo hiiraan ku toogatay 20 qof kadibna gubtay gawaari ay la socdeen

Al-shabaab

  Al-shabaab ayaa kordhisay weeradeyda mudooyinkaan dambe iyadoo qaraxyo waaweyn ay ka geysaneyso magaaloyinka maxaas iyo deegaano hoos yimaada iyagoo garab ka helayaan kooxda maafiyada ah ee Farmaajo iyo fahad yaasiin oo rabaan in ay xukunka ku soo laabtaan iyagoo u daadinayaan dhiig fara badan hadaan laga hortagin waxayna rabaan in ay fashiliyaan dadaalada ay wadaan madaxweynaha iyo ra'iisal wasaarihiisa ayna ku rabaan in dalka laga xureyo al-shabab dowladda waa in ay ragaan xabsiga soo dhigaa inta aysan dalka burburin

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada beledweyne sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka soo baxay beledweyne

Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa 17 qof oo rag dumar iyo carruur isugu jiray todobo baabuurna meeshaas waa lagu gubay sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi xaaaladda ayaa weli aad u kacsan waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaannada hoos yimaada beledweyn halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada huwanta

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso xilli ay ciidamada dowladda kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka hiiraan halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda al-shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah kadib dagaalyahannada kooxda al-shabaab ayaa iyaguna bilaabay weeraro aargoosi ah ee ay ka fulinayaan gobolka hiiraan

Waxayna gubeen ceelal & guryo ay daganaayeen shacab si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan balse dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda & al-shabaab ayaa ka sii daraya waxayna kooxdu billowday weeraro aargoosi ah waa in dowladda wax ka qabata arrintaan si shacabka loo badbaadiyo kooxdaana loo soo afjari

Post a Comment

0 Comments