Dagaal xalay ka socda duleedka degmada Maxaas iyo wararkii u dambeeyey ee kacdoonka hiiraan

  

Al-shabab

 Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay la sheegayaa in xalay uu dagaal xoog leh dib uga qarxay degaan hoos taga degmada maxaas ee gobolka hiiraan dagaalkan ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo kooxda al-shabaab waxaana xalay degaano badan oo hoos taga maxaas ka jirta dhiilo colaadeed oo aad u culus

Degaanka uu dagaalkani xalay ka socday waxaa lagu magacaabaa ceeley wuxuuna 28-km bari ka xigaa degmada maxaas gobolka hiiraan dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dad iyo xoolo ka afduubteen meel aan ka fogeeyn halka lagu dagaalamayey xalay abaabul xoogan oo dadka deegaanadaas ay sameynayaan ayaa xalay ka socday sida ay noo sheegeen qaar kamid ah odayaasha deegaanka ee abaabulka wada

Wixii ka dambeeyey markii ay al-shabaab laayeen dad shacab ah oo isaga safrayey magaalooyinka beledweyne iyo maxaas maalintii sabtigii todobaadkaan waxaa xoogeystay gulufka dagaal ee dadka deegaanadaas ay ku wajahayaan al-shabaab dagaaladii ugu cuslaa ayaa tuulooyin badan oo hoos taga maxaas ka dhacay 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxaana la sheegay in dagaalka ay ku gacan sareeyaan dadka deegaanka oo si aan kala joogsi laheyn isku abaabulaya

Kooxda argagixisada ah ee al-shabaab ayaa dab qabadsiisay labo tuulo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha soomaaliya si ay uga aargoostaan ​​shacabka labadaasi tuulo oo diiday in lala dagaalamo una hoggaansamaan awaamiirtooda sidoo kalena ay sameysteen kooxo hubeysan oo isku horfadhiya waxaa soo baxaya in xoogaggii al-shabaab ee gubay guryihii ay dib ugu soo laabteen halkii ay ka soo duuleen iyadoo dadkii deganaa guryahaasi ay seexdaan meel bannaan ah

Dadka ku dhaqan deegaanada ay al-shabaab ku sugan yihiin ayaa dhawaan bilaabeen inay isu hubeeyaan si ay ugu diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah xarrakatul shabaab oo maalmo ka hor burburiyay ceelashii biyaha laga cabi jiray isla markaana hawada ka saaray isgaarsiinta deegaanka cadakabiir ee gobolka galgaduud in la weeraro al-shabaab laguna dhiiri geliyo shacabka soomaaliyeed in ay iska horkeenaan oo ay ka caawiyaan dowladda cusub sidii ay meesha uga saari lahayd waa arrin aad u muhiimsan 

Dowladu waa in ay garab siisaa shacabka u kacay in ay iska dulqaadaan shayaadiintaan aan ka naxeynin caruur iyo waayeel ayna dilayaan guryahoodane ay ka gubayaan dowlada waa in ay qeybteeda ka qaadataaa dagaal ka socda deegaanaadaan si ay ugu soo biiraan deeganada kale ee alshabab xukunto si meesha looga saaro argigixisada dalkane uu u noqdo meel amni ah oo la isku haleen karo

Post a Comment

0 Comments