Golaha wasiirada oo soo dhaweeyey tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah beelaha

 

Golaha wasiirada

Waxaa war-saxaafadeed laga soo saaray shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka soomaaliya kaas oo lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre oo shirka guddoomiyey kulankan oo ay inta badan soo xaadireen xubnaha golaha wasiirada soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshayaasha sugidda amniga dar-dar galinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta soomaaliya

Ugu horreyn waxaa kulanka warbixin looga dhageystay wasiiradda amniga iyo arrimaha gudaha iyo maaliyadda taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka soomaaliyeed iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid dadkeena oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka amniga gudaha ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay xog ku saabsan howl-galladii u dambeyay ee ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ay ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga  dalka  iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo kooxda Al-Shabaab golaha ayaa si gaar ah u boggaadiyey abaabulka beelaha soomaaliyeed ee ka dhanka ah al-shabaab kana socdo gobollada hiiraan iyo galgaduud ee bartamaha soomaaliya

Hadalka golaha wasiirada ayaa imaanaya maalmo kadib markii al-shabaab ay ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan qabiil kasta oo ku biira baaqa dowladda ee ah in lala dagaalamo abaabul xooggan ayaa ka socda gobollada galgaduud iyo hiiraan kaasi oo lagu doonayo in lagu qaado dagaal mideysan oo ka dhan ah al-shabaab

Al-Shabaab ayaa dhawaan xasuuq bahalnimo ah u geystay dad rayid ah iyadoo tobaneeyo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay ku laayeen gobolka hiiraan sidoo kale waxay gubeen ceelal iyo tuulooyin iyagoo aargoosi u ah ololaha ka dhanka ah soomaaliya ayaa ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah al-shabaab ee ka socdo koonfurta iyo bartamaha soomaaliya


Post a Comment

0 Comments