Haweenayda Ugu Buuran Yurub Oo Ku Talo Jirta Inay Is Naaxiso

 

Dhacdooyinka caalamka

Haweenayda ugu guud ahaan qaarada Yurub oo wakhti hore baruurta jidhkeeda ku gashay buuga dhacdooyinka dunida ee Guinness World Records Book ayaa si ay isku naaxiso oo miisaankeedu u kordho u guursatay nin dabaakh ah oo ku takhakhusay cunto karinta

Haweenaydan oo 32-jir da’deedu tahay laguna magacaabo Susanne Eman ayaa sida warbaahinta dunida inteeda badani ku warantay dhawaan guursatay nin dabaakh ah oo ka shaqeeya hudheelada ugu waaweyn dalka Ingiriiska waxaanu guurka haweenayda baruurta la kici wayday noqday mid dadka badankooda ka yaabiyay

Haweenaydan oo miisaankeedu yahay sadex boqol iyo konton kiiloo ayaa warbaahinta u sheegtay in ay ku talo jirto sidii ay isku naaxin lahayd maalin kastana ay u quudan lahayd cunto heerka kaarboon ee ku jiraa aad u sarayso si miisaankeedu u gaadho todoba boqol oo kiiloo mustaqbalka ayna u dhigto rikoodh wax gaadhi karaa aanu jirin dunida

Ninka dabaakha ah ee haweenaydani guursatay oo lagu magacaabo Judy Goff ayaa la sheegay in uu ka mid yahay raga dabaakhiinta ah ee ugu cunto karinta wanaagsan dalka Ingiriiska waxaana sida ay xustay haweenaydani uu maalin kasta u samayn doonaa cunto qiyaas ahaan dhan 30.000 calories taas oo marka si caadi ah loo qiyaaso ku filaan karta toban ilaa sideed qof oo aad isku dhergiyay

Inkasta oo baruurta iyo miisaanka culus dunida laga neceb yahay lama garan karayo wax haweenaydan ku kalifay iyo sababta ay ku jeclaatay in ay miisaankeeda kordhiso, waxa kale oo aad looga yaaban yahay sida ay cunto intan leeg maalin kasta u qaadan karto

Dhakhtarka gaarka ah ee haweenaydan oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in sababta gabadhani ugu naaxday sida xad dhaafka ah ay la xidhiidho qaybta dheraga ee maskaxdeeda oo aan si haboon u shaqayn taas oo u horseedaysa in aanay cuntada iska qaban karin markii ay muddo isticmaalaysayna midhicirada iyo caloosheedu u koreen xadi aad u balaadhan oo cuntada dhergin kartaa noqonaysa mid aan qofka caadiga ahi rumaysan karin

Post a Comment

0 Comments