Waxaan warbixin taariikhi ah Degmada Warshiikh oo kusoo qaadan doono mid ka mid ah raadadkii gumeystihii talyaaniga oo weli degmada qadiimiga ah xusuus ahaan u yaal halisna ugu jira in uu raadkaasi taariikhiga ah baaba’o maadaama aysan jirin maamul iyo cid xil iska saarto keydinta taariikhdaasi balse intaan u guda gelin waxaan marka hore iftiiminayaa taariikhda faca fog ee warsheekh waa degmo qadiimi ah oo leh xormo gaar ah
Waxay ka tirsan tahay Gobolka Sh\Dhexe fogaan dhan 65km ayey magaalada muqdisho dhinaca xeebta waqooyi bari kaga beegan tahay waa magaalo leh madxaf diineedka ugu weyn soomalia magaalada warsheekh waxaa aasaaskeeda lahaa sheekh daa’ uud cali idiris qarnigii 17-aad waxaana uu ka bilaabay dhismaheeda masjid ka sameysnaa dhagax iyo dugsi lagu baran jiray qur’ aan kariimka allaha u naxariistee sheekh daa’ uud wuxuu ahaa wadaad aad u necbaa gumeysiga sida ay dadka warsheekh u neceb yihiin dulmiga
Wuxuuna dadaalkii uu warsheekh ka bilaabay ay aheyd fidinta Diinta Islaamka iyo iska difaaca gumeysigii talyaaniga ee sahminta u yimid somalia warsheekh waxay xiriir beec mushtar la lahaan jirtay aduunka intiisa kale gaar ahaan bariga dhexe iyo afrika waxay laheyd dekad wanaagsan oo doonyaha beec mushtarka ku yimaada ay ku soo xeran jireen waxeyna keeni jireen badeeco u badan bunka, dharka, timirta iyo milixda ama cusbada waxeyna qaadi jireen xoolaha nool, harkaha, subaga, nuuryada cad, luubaanta ama fooxa iyo alaabo kale
Warsheekh waxay ka mid noqotay xeebihii ugu horeeyay ee gumeystihii talyaaniga dagaalka kusoo galay sida ku xusen taariikhda qoran 14-04-1890 kii oo ku beegan xiligii talyaaniga sahminta ku yimid somalia waxaa xiligaasi koox ka tirsan ciidamadii talyaaniga ku soo xerteen marsada degmada warsheekh waxaana hoggaaminayey ciidadmaasi sarkaal la oran jiray dhame amania isagoo xeebta u soo diray sahan ka kooban toddoba badmaax iyo turjumaan ku hadlayey afka carabiga
Reer warsheekh iyo culumadoodii waxay ka dhiidhiyeen soo gelida ciidamadaasi halkaasna waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo lagu dilay gumeystihii ugu horeeyay ee geyiga somalia nafta looga qaado sarkaalkaasi oo hoggaaminayay ciidamadii loo soo diray sahminta xeebta degmada warshiikh caro ay gumeystihii ka qaadeen dilka sarkaalkooda waxay dib ugu laabteen badweynta halkaasinai ay ka bilaabeen duqeyn xoogan oo degmada warsheekh laga soo duqeeyay badweynta dhexdeeda
Iyadoo ilaa iyo iminka degmada xusuus ahaan u yaalaan gumucyadii gantaalihii lagu soo riday waxayse degmada laheyd ciidamo la oran jiray AFARTAN LOWGA oo ilaalo ka hayay xeebaha degmada ay leedahay hase ahaatee markii si rasmi ah ula wareegeen gumeysigii talyaaniga guud ahaan dalka waxay si nabad leh u soo galeen degmada Warsheekh oo ay xadgudubyo aan halkan lagu soo koobi karin u geysteen waxgaradkii iyo ciidamadii dagaalka kala hortegay gumaca gantaalka lagu soo tuuray degmada warsheekh xiligaasi oo nasiib wanaag aanu qarxin dhirir ahaan waxaan ku qiyaasay 75 -80cm
Hadda wuxuu u muuqdaa mid burburi raba maadaama in ka badan qarni jamalada korkooda ku aasnaa oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saartay in ay daryeelo taariikhdaasi faca weyn xitaa haddii ay ahaan laheyd dowladdii kacaanka oo laga yaab inaysan ka war qabin ama aan jecleysan in taariikhdaasi ahaado mid qoranto si walbo haku dhacdee maamulka degmada iyo gaar ahaan culumada xushmada leh ee warsheekh waxaan isku dayay inaan fahamsiiyo muhiimada ay degmada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed uu u leeyahay in raadkaasi taariikhiga ah la keydiyo lana daryeelo gumahaasi si uu xsuus ugu noqdo jiilasha aan waxba ka aqoon degmada iyo cid kasta oo booqasho ku tagto si loo tuso
Dal walba oo ku yaal adduunka wuxuu keydiyaa taariikhdiisa hadeey ahaan lahaayeen madaafiicda lagu soo weeraray iyo raad walba oo gumeystaha uu tegay dalkooda inkastoo dowladdii dhexe ee dalka soo marayba ay qariyeen taariikhda degmooyin gaar ah gababadii warsheekh waxay caan ku tahay fidinta diinta islaamka iyo mashaa’ iqda la xormeeyo waa magaalo culumo laguna tixgeliyo madarasadaha ay aas aaseen culumo soomaaliyeed oo aan ka tilaami karo sheekh daa’ uud cali idiris, sheekh abiikar miixdaar, sheekh cabdi ow cumar (SH. Cabdi Celi iyo Sheekh Muxumad
0 Comments