MD Xasan sheikh oo ka hadlay Weerarka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Marka

 




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho loosoo qaaday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka oo ay u dhinteen In ka badan 10 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow, waxaana   fuliyey Weerarka qof isa soo miidaamiyey.

 

Post a Comment

0 Comments