Laftagareen oo bilaabey qorsho uu ku doonaayo in uu ku sameesto mudo kordhin

 

laftagreen oo ku socdaa wadadii Farmaajo

Maamulka ka jira gobolka Koonfur-Galbeed (KG) wuxuu December 18, 2018 ku yimid doorasho aan hufnayn, kacdoonkii carada shacbiga ka dhashayna waxaa lagu demiyay dhiiga. Maamulka dulmigaas ku askunmay ee Laftagareen wuxuu mudda xileedkiisa ku eg yahay waxay ka yar shan bilood.

Maamulkaas ayaa ah mid kelitalis oo “Qoysaysan,” mana aha mid daah furan, wuxuu adeegsadaa cabsiggelin baahsan, cabburin, jirdil, iyo xabsi. Weriyayaal ay u suurtowday inay arkaan xabsiga ayaa soo tebiyey in maxaabiista badidooda ay naafoobeen jirdil aawadiis, kuna xiran yihiin qolal aan lahayn dariishado hawo, iyo iftiin ka galaan. Raashin rasmi ah ma haystaan, lamana booqon karo

Laftagareen ayaa xiligaan hubeynaya beeshiisa si uu xoog ugu kororsado xukunka isagoo la kulmayo mucaaradad xoogan oo dhanka siyaasada ah

laftagreen wuxuu ku socdaa wadadii uu maray Farmaajo, isagoo rabo in uu sameeyso muddo kordhisto kadib mudo xileedkiisa uu dhamaadey Koonfur Galbeed, ma dhici kartaa in musiibadii Soomaaliya ay ka badbaadey in ay ku soo noqoto

Farmaajo iyo laftagreen waa laba dhinac oo isku mid ah, isku daygii muddo kordhinta Farmaajo ee fashilmay ayuu isku dayaya in uu soo celiyo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed isku daygaan uu wado waxa uu hor seedi doonaa dhiig in uu ku daato Koonfur Galbeed

Waxa uu ka sameenaayo laftagreen Koonfur-Galbeed ee dilka iyo jirdil uu u geysanaayo dadka ka soo horjeeda waa sidhii uu farmaajo uu ku sameen jirey kua isaga ka soo horjeedey waxa meeshaas ka soo muuqdo waa kali talisnimo cusub dhamaan shacabka soomaaliyeed waa in ay baraarugaan lagana hortagaa

Post a Comment

0 Comments