Lafta gareen oo bilaabey Qorshe uu ku doonaayo mudo kordhin iyo xasuuq labaad ee ka dhoco Baydhabo

 

Lafta Gareen

Baydhabo Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa haatan wajahaya mowjado siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo kusoo aaday, kadib doorashadii uu kudhacay saxiibkii farmaajo 

Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ka kala socda kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeedo, Waxaana soo baxay guux ku aadan mooshin ka dhan ah Lafta Gareen, kaas oo haatan abaabulkiisa uu ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warar  lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Koonfurt Galbeed Laftagareen uu amray in hub keyd u ahaa maamulka uu hoggaamiyo loo qeybiyo beesha uu ka dhashay.

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa haatan wajahaya mowjado siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo kusoo aaday, kadib doorashooyinkii soo dhammaaday.

Sidoo kale waxaa soo baxay guux ku aadan mooshin ka dhan ah Lafta Gareen, kaas oo haatan abaabulkiisa uu ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Sida ay sheegayaan wararka aan helnay, ujeedada ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed ayaa waxay xiriir la leedahay guuldarada siyaasadeed ee soo wajahay Lafta-gareen, maadaama bey yiraahdeen uu ogsoon yahay inuusan taageero ka heysan beelaha Koonfur Galbeed, islamarkaana muddo xileedkiisa dhamaad yahay, sidaas darteedna uu ka cabsi qabo kacdoon.

Beelaha dago Koonfurt Galbeed ayaa Lafta Gareen ugu baaqey  inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed  Farmaajo, waxaane intaa ku dareen in muddo kororsi uusan xilligan ka shaqeynin Somalia.

Laftagareen waxa uu doonaya in uu gumaad hor leh ka abuuro Koonfur Galbeed si uu xukunka u sii hayo, waxa uu hubeynayaan maleeshiyo beeleedka uu ka soo jeedo isaga oo ka baqaya kacdoon dadweyne qorshahaan uu wato Laftagareen waa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hurtagaa

 

 

Post a Comment

0 Comments