Madaxweenaha K/ Galbed Lafta-gareen ayaa ku hawlan sidhii uu u sameeysan lahaa mudo kurdhin

 

 
Lafta-gareen

Madaxweenaha K/ Galbed  Lafta-gareen ayaa dhawaan amar ku bixiyay in beeshiisa loo qeybiyo hubkii u keydsanaa maamulkiisa.

Ujeedada ka danbeysa in Hubka uu gacanta u galo Maleeshiyo beeleed ayaa la xiriirta guul daradii Siyaasadeed ee kasoo gaartay Lafta-gareen, maadaama uu og yahay inuusan wax taageero ah ka heysan Beelaha Koonfur Galbeed, isla markaana uu waqtigiisa sii dhamaanayo, sidaasi darteedna uu ka cabsi qabo in kacdoono ka dhaco

lafta-gareen oo bishii december 2018 uu xukunka farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha december 2022 wuxuuna ku haminayaa inuu sameysto muddo kordhin oo aan ognahay in aysan somaliya ka hirgaleynin maadaama laga diiday kelitaliskii farmajo oo isku dayey inuu xukunka awood ku qabsado laakiin laga diiday

lafta gareen Waxa uu wajahayaa mucaaradad xoogan kadib markii farmaajo looga adkaaday doorashada isla markaana uu ahaa shaqsigii isku halleynayay in uu si xoog ah ku sii haayo madaxweynaha koonfur galbeed

lafta gareen ayaa dhisay madaxtooyo cusub waxayna muujinaysaa inuu doonayo inuu xukunka ku kordhiyo si xoog ah oo ka fog doorasho waxaana lagama maarmaan ah in loo hoggaansamo rabitaanka shacabka ee ah in la qabto doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamul goboleedyada oo dhan 

dhamaan Shacabka K/ Galbed ayaa diiday isku day kasta oo uu ku rabo Laftagareen in uu kordhisto mudo xileedka, iyagoo kadigey in ay dhacdho isku daygii fashilmay ee Farmaajo ee uu dalka ku khalkhal geliyey, waxa ay ku baaqeen doorasho xalaala ah

Post a Comment

0 Comments