Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Guddi u saaray baarista xisaab xirka afartii sano ee la soo dhaafay iyo cida ka danbeeysey

 

baaris lagu bilaabey masuq-maasuq dawladii farmaajo

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi u saaray baarista xisaab xirka afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horgeyn labada Aqal ee Baarlamaanka.

Guddigan cusub ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii loo ogaan lahaa cidda mas’uulka ka ah arrintan, sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, inkastoo Wasiirka Maaliyadda uu ku adkeystay inuu soo gudbiyay xisaab xirka afartii sano ee la soo dhaafay.

Qaswade farmaajo iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo si dhow u wada shaqeynayay shantii sano ee la soo dhaafay ayaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen hanti qaran, isla markaana ay tahay in lala xisaabtamo.

Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo shalay Labada aqal ee baarlamaanka ay meel-mariyeen miisaaniyadda sanadka 2022-ka kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga KMG maaliyadda ee loo saaray miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo

Beyle wuxuu horey u qiray in baarlamaanka uusan xirin miisaaniyada 2019, 2020, 2021 iyo 193 milyan ay maqan tahay. Waxaan u baahanahay jawaabo hadda, 5 sano ma aan arag wax ka dooda qaabkan. Waan ku faraxsanahay in golahan dawladu uu mar kale dadka u shaqeeyo

horkeenid la’aanta Baarlamaanka ee Ansixinta miisaaniyadihii hore ayaa ah in Farmaajo uu aaminsanaa in dib loo soo magacaabi doono sidaas darteedna aan lala xisaabtamin

hadaba dhamaan shacbka soomaaliyeed Waxa ay codsanaayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Farmaajo lagula xisaabtamo xatooyada hantida shacabka

.

Post a Comment

0 Comments