Soomaaliya waa meesha ugu musuq-maasuqa badan aduunka inta uu Farmaajo xukunka haayey

 

farmaajo

A C-WARAR

Tan iyo markii uu Farmaajo noqday madaxweynaha Soomaaliya waxan kaalmaha ugu horeeya ka galnay heerka masuq-maasuqa caalamka ee wax walba sida dowladnimada, hufnaanta, daacadnimada, aragtida musuqmaasuqa, iwm way ka sii xumaanaysaa haddii uu xukunka sii hayo farmajo hanti dhowraha guud ee dowladda iyo wasaaradda

maaliyadda ayaa caddeeyeen inuu Farmaajo shaqsi ahaantiisa kala baxay bankiga malaayiin dollar oo hantida qaranka ah kaas oo loo adeegsaday boobka doorashooyinka dalka dowlada uu hogaamiyo farmajo ayaa noqotay dowladii ugu masuqmaasuq badneyd ee ebid soo marta somaliya

Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa lagu sheegay in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseesa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan.

Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay  9-aad, hadase waxa ay noqotay kaalinta kow, sida ay shaacisay Transparency International.

Waxyaabaha ka dhigay marlabaad somaliya dawlada ugu musuqa badan aduunka waxa kamida malaayiinta farmajo lunsaday intuu xilka hayay ee aan cid kala xisaabsantaa jirin, iyo inuu u isticmaalay khasnadii dawlada sidii akoon uu leeyahay.

Waxaana xusid mudan in Gudiga uu Farmaajo samaystay ee uu ku magacaabay la dagaalanka Musuq maasuqa inay sidoo kale yihiin musuq-maasuqayaal, oo kaliya loo sameeyay in daah looga dhigo Musuq maasuqa ay wadaan Farmaajo iyo kooxdiisu.

 

Post a Comment

0 Comments