farmaajo oo lunsadey lacag tii ugu badneed uu lunsado madaxweene soo marey dalka

 

farmaajo

Farmaajo waa jilaa/Actor.

Farmaajo waa actor, waxa uu maalmahaan dhan ka dhex sameynaayey Villa Somalia waxay aheed Jilliin ilaa maanta uu dhahay “ halla i duubo” aniga oo lugeynaayo oo madaxtooyada kasoo baxaayo, isaga iyo marwo seynab. Waxa ee aheed Ruwaayadii ugu weyneed uu maanta dhigey.

Farmaajo waxa uu rabaa dadka in uu isku tuso in uu sharaf uga baxay fillada & in uu ollolle campaign ka dhigto hadhoow muuqaalladaan maanta laga duubay .

Ma istaahilo hal daqiiqo oo niyad wanaag ah Farmaajo, waxa uu ahaa shaqsi qalbi xun oo halis ku ah ilbaxnimada, dowladnimada iyo sharafka Soomaalida. Waxaa uu ahaa Shaqsi rabay in uu addoonsado ama yeesho dadka.

 Farmaajo waxa uu maanta xilka banneeyay, isagoo aan xisaab xidhin, 2018, oo ahayd $275 milyan, 2019 oo ahayd $344 milyan, 2020 oo ahayd $476 milyan iyo 2021 oo ahayd $671 milyan, taasoo ka dhigan inuu yahay kan ugu musuqmaasuqa badan, uguna badan. bililiqo taariikhda somalia.

Farmaajo ayaa lunsaday hantidii umadda oo uu ku takri falay danihiisa gaarka ah ku gaarey, guriga uu ku kireeste qiimo ka badan 10 kun oo dollar, waxay daliil u tahay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa maaliyadeed ee Farmaajo ku lug lahaa mudadii uu xilka hayay.

Lacagtaas oo dhan 7 1.766 Bilyan oo Dollar, kuwaas oo aan ilaa hadda la garanayn meel ay ku dambeeyeen, waxaana xusid mudan in xisaab xidhkii 2017 ee la ansixiyey dhammaadkii 2019-kii, ay ka maqan tahay 33 Milyan oo Doollar iyo 700,000 oo Doollarka Maraykanka ah. loo diray Guddiga Maaliyadda, Golaha Shacabka, si ay ula xisaabtamaan Xukuumadda.

farmaajo oo malaayiin dollar ku bixiyay soo saarista xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa ahaa musharraxa dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay doorashada Madaxweynaha, isagoo malaayiin geliyey, siyaasiyiinna burburiyay, maamuladii dumiyay, shacabka cabudhiyey, isagoo adeegsanaya ciidan. Lacagtan ayaa ka timid miisaaniyada dowladda oo xisaabaadkooda la diiday.

Sidoo kale, Farmaajo iyo kooxda uu hoggaamiyo, ayaa ah kuwa waqtiga iyo dhaqaalaha ugu badan ku bixiya baraha bulshada, iyagoo ilaalinaya hindise sharciyeedka xooggan ee dadka caanka ah, si shacabka loo marin habaabiyo.

Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo (CBB) ayaa qaaday weeraro abaabulan iyo olole ka dhan ah Madaxweynaha cusub si ay sumcadiisa u dhaawacaan ka hor inta uusan la wareegin Villa Somalia oo uu ku aflagaadeeyay baraha bulshada, waxaana wanaagsan in la yiraahdo dowladdan ayaa sameysa. ma jirto wax ka wanaagsan dowladda Farmaajo oo aan ognahay in ay dambiyo dagaal gashay shan sano iyo dagaal qabiil.

Dhalinyaradan oo ay hormuud u yihiin shaqsiyaad kaligii taliye  Farmaajo taabacsan oo qabyaalada taageersan iyo kuwa lacagta ku qaata aflagaadada siyaasiyiinta iyo beelaha Soomaaliyeed ayaa tan iyo 15-kii bishan baroor diiqayay baraha bulshada kawada iyo aflagaado ay u geesanaayaan madaxaweenaha cusub ee hada la doortey

CBB, waxa ay  hadda la soo baxay dhaqamo yaab leh oo u eg hab-dhaqanka Al-Shabaab, kuwaas oo ah inay ku baaqaan qalalaase iyo qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Farmaajo, kaliya maaha inuu ka tagay siyaasad wasakhaysan, balse waxa uu ka tagay, taageerayaal aan damiir lahayn, [CBB], Cayayaanka Baraha Bulshada – kuwaas oo iyaga oo aan fahansanayn fikirka la siyaasadeeyay, haddana khatar ku ah dalka.

 qaswade Farmajo iyo kooxdiisa waa in la saara xayiraad dhanka duulimaadka ah si maxkamad loo soo taago waayo shantii sano ay xukunka haayeen waxay dalka ka galeen dembiyo fara badan shacabka ayaana sugaayey inta ay xukunka wareejinayaan si ay maxkamad la soo istaagaan waayo farmajo iyo kooxdiisa dalka waxay ka galeen dhibaatooyin aad u fara badan marka waa in cadaalada marsiiyaa si shacabka dhamaan ay cadaalad u helaan aanan madaxweyne dambe dalkan uusan ugu gelin dhibaato kale

Post a Comment

0 Comments