Chelsea oo noqotay naadiga ugu cadcad saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar

 

ciyaaraha

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa noqotay naadiga ugu cadcad saxeexa xiddiga reer Brazil ee Neymar oo la sheegay in PSG ay doonayso inay iibiso xagaagan, iyadoo si weyn hoos ugu dhigtay lacagta ay ku xaraashayso.

Mustaqbalka Neymar ayaa toddobaadkan mugdi galay markii la sheegay in Paris Saint-Germain ay doonayso inay iibiso xagaagan, si ay u abuurto jawi uu hoggaamiye ka yahay Kylian Mbappe oo meesha looga saaro ciyaartoyda loollanka dhinaca kooxda gudaheeda kula jira.

30 jirkan ayaa la sheegay in PSG ay ka biyo diidsan tahay hab-dhaqankiisa iyo qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay, iyo waliba in aanay isku wanaagsanayn Mbappe oo dhowaan qalinka ku duguugay heshiis saddex sannadood ah oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda.

Jamaahiirta PSG ayaa iyaguna aan al dhacsanayn Neymar oo doonaya in kooxda laga diro iyagoo ku ooriyey wareeggii 16ka ee Champions League markii ay Real Madrid ku garaacday Santiago Bernabeu ee ay tartanka ka reebtay.

PSG oo uu imanayo tababaraha reer France ee Christophe Galtier ayaa la rumaysan yahay in aanu yeelan doonin miisaankii iyo mudnaantii uu ku lahaa kooxda, waxaanay diyaar u yihiin inay kooxda ka diraan iyadoo saddex sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa oo uu usbuucii ku qaato mushahar gaadhaya £606,000 Gini.

Sky Bet ayaa saadaaliyey kooxaha uu Neymar tegi karo, waxaana kaalinta koowaad  kaga jirta Chelsea, halka Barcelona ay labaad fadhido balse ay ka  horreyso Newcastle United.

Sidoo kale, Real Madrid, Manchester City iyo Manchester United ayaa iyaguna ku jira liiska kooxaha ay suurtogalka tahay inuu xiddiga reer Brazil u wareego.

Post a Comment

0 Comments