Xogta & Xaqiiqooyinka Ka Hor Kulanka Adag Ee Labada Kooxood.Chelsea Vs Liverpool

 

ciyaarah

A C-WARAR

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Liverpool kulan ka tirsan Premier League kana dhici doona garoonka Stamford Birdge kana tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka.

Kulanka ayaa ah mid muhiim u ah labada kooxood iyada oo ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha si ay ugu tartamaan horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ah mid dhibcihiisu ayna u qaybsamin iyada oo ay koox walba doonayso in ay jeebka ku shubato si ay cadaadiska u saarto kooxda Man City.

Liverpool ayaa noqon karta kooxdii labaad ee taariikhda Premier Leaque-ga saddex jeer oo xidhiidh ah guulaysata Chelsea, ka dib Blackburn Rovers oo sidaas samaysay intii u dhexaysay1993/94 iyo 1995/96.

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount ayaa ku lug lahaa 12 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan (Todoba gool, shan caawin) waa inta ugu badan oo uu xiddig reer England ah ku leeg leeyahay premier League xilli ciyaareed gudihiis.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah, oo u ciyaaray Chelsea, ayaa si toos ah ugu lug lahaa 13 gool 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu ku ciyaaray London (8 gool, shan caawin). waa xiddiga ugu badan taariikhda Liverpool ee goolasha premier League ee caasimada London isaga oo la bar-baro ah teven Gerrard.

Kooxda chelsea ayaan badin kulankeeda ugu horeeya sanadka ee horyaalka premier League 5-tii sano ee ugu dambaysay (3 bar-baro iyo 2 guuldaro), tan ilaa markii ay 3/0 kaga badisay Crystal Palace bilowgii sanadka 2016.

Post a Comment

0 Comments