waalidkii dhalay weeraryahan Son Heung-min oo usoo jeediyey wiilkiisa in uu iskaga tago Tottenham

 

 
ciyaaraha

Aabaha dhalay weeraryahanka reer Koonfur Korea ee Son Heung-min ayaa usoo jeediyey wiilkiisa in uu iskaga tago Tottenham oo uu ku biiro mid ka  mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub, si uu guulo uga gaadho kubadda cagta.

Son Heung-min oo la isku raacsan yahay inuu ka  mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu dhaliyey 23 gool oo Premier League, waxaanu abaal-marinta kabta dahabka ah la wadaagay Mohamed Salah.

29 jirkan ayaan wali wax koob ah kula guuleysanin Tottenham inkasta oo xili-ciyaareedkii 2016-17 ay kaalinta labaad ee Premier League ku dhamaysteen, sidoo kalena ay 2018-19 yimaaddeen finalkii Champions League.

Inkasta oo uu saxeexay heshiis waqti dheer ah oo uu kusii joogayo Tottenham, haddana Son Woong-jung oo ah aabbaha dhalay Son Heung-min ayaa wiilkiisa kula dardaarmay in uu iskaga tago Spurs oo uu u wareego koox kasii wanaagsan, si uu koobab ugu guuleysan karo.

Waa in uu si adag u shaqeeyo oo uu sameeyo horumar. Haddii uu ku qanacsan yahay halka uu taagan yahay, dhibaato ayaa kusoo waajahan. Waa in uu mar walba isku dayo meel kasii fiican halka uu joogo iyo qaab ciyaareed ka wanaagsan. Miyaanay kula ahayn?” Ayuu yidhi Son Woong-jung.

Waxa uu kusii daray: “Halkii uu kaga faraxsanaan lahaa halka uu joogo, waxa aan doonayaa in ugu yaraan 10 boqolkiiba uu kasii fiicnaado… Waa in uu awoodo in uu ka ciyaaro meel kasii fiican oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida, markaas ayuu noqon karaa ciyaartoy heer caalami ah. Wuxuu dhaliyay goolal badan sannadkan, laakiin taas macnaheedu ma aha in uu sidaas oo kale samayn doono sannadka dambe.

 

Post a Comment

0 Comments