Soomaaliya weli waxay ku jirtaa marxalad jilicsan
Soomaaliya weli waxay ku jirtaa marxalad jilicsan oo dhismaha dawladnimada iyo nabadda aysan xasilin sal adag kuma taagna hay’adihii dastuuriga ahaa, kuwii garsoorka, amniga, maamulka, maaliyadda, iyo diblumaasiyadda. Sida oo kale, kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen dawladnimada weli waa nuxuus. Shakiga la kala qabo iyo kalsoonidarradu way weyn tahay, waana wax u baahan in la daweeyo haddaba, haddii ay hay'adaha dawladdu hoggaan xumi iyo karti la’aan la curyaamaan
Shisheeyuhu wuxuu helayaa fursad uu dalka
Shisheeyuhu wuxuu helayaa fursad uu dalka kala macaamilo shakhsiyaad halkii ay jiri lahaayeen hay'ado adag oo la xisaabtama dalkeenna awooddii xukun, maamul iyo ciidan way kala firirsan tahay, taasi waxay sahashay in danihii shisheeyaha iyo kuwii shakhsiga ahaa ay isku tolmaan, oo aan la kala saari karin danta qaranka iyo muraadka qofka madaxda ah faragelinta shisheeyaha iyo madaxbannaanida qaranka laguma difaaco qaylo iyo halku dhigyo ee waxa lagu difaacaa hay'ado shaqaynaya oo kala madaxbannaan iyo hoggaan mideeya ummadda
Dhinaca kale, hoos u dhaca siyaasadda iyo hoggaanka dalka
Dhinaca kale, hoos u dhaca siyaasadda iyo hoggaanka dalka wuxuu saamayn taban ku yeesha doodaha qaran halkii falanqayn ra’yi jihayn aragti iyo dood fikir laga sugayey, waxa beddelay muuqaallo, dhacdooyin maalinle ah iyo ciwaanno kala-kicis ah, hadallo dhiillo xanbaarsan iyo daandaansi la isugu duurxulayo mar haddii aysan dooddu qaangaar ahayn, qaranku ma hanaqaadayo colaaddii iyo burburkii ina soo maray waa in ay ina baraan qiimaha dawladnimada
Nabadda iyo xasilloonidu iskood uma yimaaddaan ee waxay ku kacaan qiimo culus, helitaankooduna waxa uu u baahan yahay hay'ado xooggan, iyo hoggaan mabda' leh oo kalsoonida beelaha hanan kara, isaga oo u maraya karti iyo hufnaan. Hoggaan leh miisaan, aragti qaran oo ummadda midaysa, awood akhlaaqeed, oo cabsida dejisa, lehna fahan durugsan oo tabashada iyo khilaafka bulsheed uu ku maaraynayo isaga oo adeegsanaya bisayl qofeed, xilkasnimo iyo dulqaad
Intaa waxa dheer in uu fahansan yahay loollanka gudaha, kan gobolka iyo kan caalamka, isaga oo ku difaaci kara madaxbannaanida dalka diblumaasiyad dheellitiran iyo dhismaha hay'ado qaran oo shaqaynaya, una arka awoodda mid kumeelgaar ah, taa beddelkeedana qaranka u arkaya mid waaraya su'aasho waa mid kooban: ma soo celinaa miisaanka xafiisyada dawladda mise waxaynu ku wadnaa jidkaas hoos u dhaca ah? Waxaan qabaa in aan dib u soo celinno karaamada xafiisyada dawladda ugu sarreeya, si aan Soomaaliya uga dhigno dal xasillooni, la aamini karo, oo leh hay'ado dawladeed oo shaqaynaya

2 Comments
Somalia waxay u baahan tahay hogaan daacad ah oo u adeega shacabkiisa
ReplyDeleteDalka wuxu ka soo kabanayaa dagaalo sokeeye waa in aan dib loogu celin
ReplyDelete