Maaddaama aan hoggaaminta qaranka iyo xilalka sare
Maaddaama aan hoggaaminta qaranka iyo xilalka sare ee dawladda loo arkaynin masuuliyad weyn oo u baahan aqoon, waaya'aragnimo, go’aanqaadasho la soo tijaabiyey, iyo akhlaaq hoggaamineed waxaa hoobtay miisaankii, macnihii iyo haybaddii ay lahaayeen xafiisyada ugu sarreeya hay'adaha dawladda waxa xooggaysanaysa aragti ah in xilalka siyaasadeed, maamul, diblumaasiyadeed, iyo amni ay yihiin jago qof walba hanan karo
Iyada oo aan loo eegin mutaysi sida; diyaargarow
Iyada oo aan loo eegin mutaysi sida; diyaargarow, aqoon, karti iyo xirfad. Xilka waxaa lagu helaa damac iyo garab, mararka qaarna si shil ah dagaalka sokeeye, saboolnimada iyo duullaanka shisheeye waxa ummadaha u baylihiya waa hoggaan xumo. Xafiisyada sarsare ee qaranku ma aha oo keli ah jagooyin maamul oo caadi ah, ee waxay matalaan sharciyadda, joogtaynta dawladnimada, iyo haybadda akhlaaqeed ee jamhuuriyadda
Marka lagu maamulo hufnaan, karti, iyo waaya-aragnimo
Marka lagu maamulo hufnaan, karti, iyo waaya-aragnimo hay’aduhu way xooggaystaan marka loo beddelo aalad siyaasadeed oo lagu danay stana waxay lumiyaan hawshii loo igmaday, waxayna ku danbeeyaan magacuyaal aan bulshada wax tarrrintani ma aha oo keli ah wax shakhsiyaad ku saabsan, waa cudur hay'adaha siyaasada galay oo dawo u baahan Soomaaliya weli waxay ku jirtaa marxalad jilicsan oo dhismaha dawladnimada iyo nabadda aysan xasilin sal adag kuma taagna hay’adihii dastuuriga ahaa
Kuwii garsoorka, amniga, maamulka, maaliyadda, iyo diblumaasiyadda sida oo kale, kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen dawladnimada weli waa nuxuus. Shakiga la kala qabo iyo kalsoonidarradu way weyn tahay, waana wax u baahan in la daweeyo
Xaaladdan oo kale hoggaanka heerka ugu sarreeya wuxuu leeyahay miisaan aan caadi ahayn wuxuu u baahan yahay indheergarad aragti istiraatiiji ah, karti hoggaamineed, masuuliyad akhlaaqeed, burji soo jiidasho iyo tawaaduc qofnimo leh. Hay’adaha dawladdu ma dhisi karaan shakhsiyaad lagu xushay sacab, guulwadayn, ammaan sideeda bannaanbax xilku waa masuuliyad qaran oo loo dhaarto, ee ma aha hanti qof leeyahay uu qaybinayo

0 Comments