Puntland oo soo bandhigtay maydadka dagaalamayaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqayn ka dhacday togga Jaceel

Puntland

Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay maydadka

 Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay maydadka in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsanaa ISIS, kuwaas oo lagu dilay duqayn uu Maraykanku ka fuliyay togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad, sida ay sheegeen saraakiil amni saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo gaaray goobta ayaa sheegay in dagaalamayaashan ay ka mid ahaayeen kooxihii maalmahan weerarrada ka fulinayay deegaannada Calmiskaad

Isla markaana habeen hore jidka u galay ciidamo

Isla markaana habeen hore jidka u galay ciidamo Puntland ah, halkaas oo hal askari lagu dilay muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay maydadka xubno ka tirsan ISIS oo ku daadsan gudaha meel god ah oo la sheegay in lagu beegsaday duqaynta si kastaba ha ahaatee, lama xaqiijin karo waqtiga saxda ah ee weerarka, in uu dhacay maanta ama xalay

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay kooxda Daacish

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay kooxda Daacish kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, halkaas oo ilo amni ay sheegayaan in habeenadii u dambeeyay ay ka dhaceen weerarro kala duwan

Dhacdooyinkan ayaa sabab u ah cabashooyin la xiriira hoos u dhac ku yimid hawlgalladii ciidamada Puntland ee aagga Calmiskaad, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in caqabado ay ka mid yihiin dawo, shidaal iyo saanad yari ay saameyn ku yeesheen howlgallada Calmiskaad.

Post a Comment

0 Comments