Dagaalka sokeeye, saboolnimada iyo duullaanka shisheeye
Dagaalka sokeeye, saboolnimada saboolnimada iyo duullaanka shisheeye waxa ummadaha u baylihiya waa hoggaan xumo. Xafiisyada sarsare ee qaranku ma aha oo keli ah jagooyin maamul oo caadi ah, ee waxay matalaan sharciyadda, joogtaynta dawladnimada, iyo haybadda akhlaaqeed ee jamhuuriyadda. Marka lagu maamulo hufnaan, karti, iyo waaya-aragnimo hay’aduhu way xooggaystaan. Marka loo beddelo aalad siyaasadeed oo lagu danaystana waxay lumiyaan hawshii loo igmaday, waxayna ku danbeeyaan magacuyaal aan bulshada wax tarin
Arrintani ma aha oo keli ah wax shakhsiyaad ku saabsan
Arrintani ma aha oo keli ah wax shakhsiyaad ku saabsan, waa cudur hay'adaha siyaasada galay oo dawo u baahan soomaaliya weli waxay ku jirtaa marxalad jilicsan oo dhismaha dawladnimada iyo nabadda aysan xasilin. Sal adag kuma taagna hay’adihii dastuuriga ahaa, kuwii garsoorka, amniga, maamulka, maaliyadda, iyo diblumaasiyadda. Sida oo kale, kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen dawladnimada weli waa nuxuus. Shakiga la kala qabo iyo kalsoonidarradu way weyn tahay, waana wax u baahan in la daweeyo
Maaddaama aan hoggaaminta qaranka iyo xilalka sare
Maaddaama aan hoggaaminta qaranka iyo xilalka sare ee dawladda loo arkaynin masuuliyad weyn oo u baahan aqoon, waaya'aragnimo, go’aanqaadasho la soo tijaabiyey, iyo akhlaaq hoggaamineed waxaa hoobtay miisaankii, macnihii iyo haybaddii ay lahaayeen xafiisyada ugu sarreeya hay'adaha dawladda waxa xooggaysanaysa aragti ah in xilalka siyaasadeed, maamul, diblumaasiyadeed, iyo amni ay yihiin jago qof walba hanan karo, iyada oo aan loo eegin mutaysi sida; diyaargarow, aqoon, karti iyo xirfad. Xilka waxaa lagu helaa damac iyo garab, mararka qaarna si shil ah
Dalkeenna awooddii xukun, maamul iyo ciidan way kala firirsan tahay, taasi waxay sahashay in danihii shisheeyaha iyo kuwii shakhsiga ahaa ay isku tolmaan, oo aan la kala saari karin danta qaranka iyo muraadka qofka madaxda ah faragelinta shisheeyaha iyo madaxbannaanida qaranka laguma difaaco qaylo iyo halkudhigyo ee waxa lagu difaacaa hay'ado shaqaynaya oo kala madaxbannaan iyo hoggaan mideeya ummadda
Dhinaca kale, hoos u dhaca siyaasadda iyo hoggaanka dalka wuxuu saamayn taban ku yeesha doodaha qaran. Halkii falanqayn ra’yi, jihayn aragti iyo dood fikir laga sugayey, waxa beddelay muuqaallo, dhacdooyin maalinle ah iyo ciwaanno kala-kicis ah, hadallo dhiillo xanbaarsan iyo daandaansi la isugu duurxulayo. Mar haddii aysan dooddu qaangaar ahayn, qaranku ma hanaqaadayo

2 Comments
shacabka somaliyeed way ka daaleen dhibaatooyinka soo laalaabta
ReplyDeletewaxan dooneynaa doorasho xor iyo xalaal ah in la qabto
ReplyDelete