Madaxweyne Deni oo magacaabay taliyayaal ciidan iyo garsoorayaasha maxkamadda ciidamada Puntland

Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

 Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidanka Booliiska iyo garsoorayaasha qeybaha kala duwan ee maxkamadda ciidamada Deni ayaa Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay taliye-ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Puntland

Sidoo kale, saraakiil kale ayaa loo magacaabay 

Sidoo kale, saraakiil kale ayaa loo magacaabay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin hoggaaminta qaybaha baarista dambiyada (CID), kormeerka, tababarka iyo hawlgallada ciidanka madaxweyne Deni ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay qaybaha Booliska ee gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag iyo Raas Casayr, iyo sidoo kale taliye-ku-xigeennadooda

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in tallaabooyinkan

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo dib-u-habaynta iyo tayeynta ciidanka, si kor loogu qaado amniga iyo hufnaanta hay’adaha dhanka kale, madaxweynaha Punmtland ayaa dib u soo dhisay Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida oo ku dhawaad sanad ka hor la kala diray

Maxkamadda Sare ayaa guddoomiye looga dhigay G/Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan, halka G/Sare Maxamed Faarax Maxamed loo magacaabay guddoomiye ku-xigeen. Garsoorayaal iyo xeer-ilaaliye ayaa sidoo kale loo magacaabay sidoo kale, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa loo magacaabay guddoomiye, garsoorayaal iyo xeer-ilaaliye

Si loo xoojiyo maaraynta dacwadaha la xiriira ciidamada iyo dambiyada culus madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo amniga, hufnaanta iyo cadaaladda gudaha hay’adaha maamulka

Post a Comment

0 Comments