Liverpool Oo Guul Wakhtiga Dhimashada Ka Gaadhay Everton.

Liverpool

Kooxda Liverpool FC ayaa guul qiimo leh

 Kooxda Liverpool FC ayaa guul qiimo leh kala soo laabatay garoonka Everton FC kadib markii ay ku garaacday 2-1, kulan ka tirsanaa wareegga 33-aad ee horyaalka Premier League, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Hill Dickinson Stadium

Guushan kadib, Liverpool waxay kor u qaaday 

Guushan kadib, Liverpool waxay kor u qaaday dhibcaheeda ilaa 55, iyagoo galay kaalinta shanaad, halka Everton ay ku hartay 47 dhibcood oo ku jirta kaalinta tobnaad ciyaarta waxaa lagu diiday gool ay Everton dhalisay daqiiqaddii 27-aad oo uu saxiixay Iliman Ndiaye, kadib markii VAR uu cadeeyay inuu ahaa offside

Laba daqiiqo kadib, Mohamed Salah ayaa Liverpool 

Laba daqiiqo kadib, Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay goolka hoggaanka daqiiqaddii 29-aad, isagoo ka faa’iideystay baas fiican oo ka yimid Cody Gakpo Qaybtii labaad, Everton waxay barbaro keentay daqiiqaddii 54-aad, kadib gool uu dhaliyay Beto oo ka helay caawin uu bixiyay Hall

Si kastaba ha ahaatee, Virgil van Dijk ayaa go’aamiyay natiijada ciyaarta isagoo Liverpool u dhaliyay gool guul ah daqiiqaddii 90+10

Post a Comment

0 Comments