Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka
kirada dhulka dowladda ee ay la galeen 7 shirkadood oo ganacsi, kuwaas oo ka howlgala xerada Xalane ee magaalada Muqdisho dib u eegistan ayaa si gaar ah diiradda u saartay heshiiska lala galay SKA International Group
Iyadoo la ogaaday in shirkaddu ay isticmaasho
Iyadoo la ogaaday in shirkaddu ay isticmaasho dhul dowladeed oo cabbirkiisu gaarayo ku dhowaad 40,000 mitir oo laba jibbaaran (SQM) Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka maqantahay dakhli lagu qiyaasay $860,000 oo doolar, taasoo la xiriirta kirada dhulkaas oo aan si buuxda loo bixin
Xafiiska Hantidhowrka ayaa sheegay in natiijooyinka
Xafiiska Hantidhowrka ayaa sheegay in natiijooyinka dib u eegistan lala wadaagay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, si loo qaado tallaabooyin ku habboon oo lagu saxayo khaladaadka jira loona hubiyo ilaalinta hantida qaranka arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan hufnaanta maaliyadeed iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda
Gaar ahaan marka ay timaado maareynta hantida guud ee dalka xafiiska Hantidhowrka ayaa sheegaya in dib u eegistan ay muujineyso baahida loo qabo in si adag loo xakameeyo heshiisyada la xiriira dhulka dowladda, si looga hortago khasaaro dhaqaale oo soo noqnoqda.

0 Comments