Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaray wareegto uu ku magacaabay hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, maalmo kaddib markii uu xilka iska casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay Dowladda Federaalka ku eedeysay inuu sharci darro ah ku joogay xafiiska
Sida lagu sheegay wareegtada, Ra’iisul Wasaaraha
Sida lagu sheegay wareegtada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa labaad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu si ku-meelgaar ah u noqdo hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, laga bilaabo 1-da Abriil 2026
Go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobo ka mid ah
Go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa khuseeya mas’uuliyadda Ra’iisul Wasaaraha iyo awoodaha xafiiskiisa wareegtada ayaa sidoo kale xusay in magacaabistan ay timid kaddib markii la tixgeliyay baahida loo qabo xaqiijinta sii socoshada maamulka, ilaalinta xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo kala dambeynta dowladeed ee Koonfur Galbeed
Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ayaa la faray inuu qabto howlaha muhiimka ah ee maamulka, oo ay ka mid yihiin sugidda amniga, ilaalinta adeegyada dowladeed, dardargelinta wada-tashiyada iyo hirgelinta hannaanka doorasho qof iyo cod ah wareegtada ayaa caddeysay in xilkaasi uu yahay mid ku-meelgaar ah, islamarkaana uu socon doono ilaa laga soo dooranayo hoggaan rasmi ah oo sharciyeysan oo uu yeesho Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Sidoo kale, hay’adaha dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu faray inay la shaqeeyaan hoggaamiyaha cusub si loo xaqiijiyo fulinta waajibaadka ku xusan diktareetada

0 Comments