Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika ayaa si rasmi ah
Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xulka qaranka Marooko loo caleemo saaray horyaalka Koobka Qaramada Afrika 2025, kadib markii guddiga rafcaanka uu wax ka beddelay natiijadii kama dambaysta ahayd ee ciyaartii ay la yeesheen xulka qaranka Senegal, oo hore loo shaaciyay in ay ku guulaystay koobka
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii la qiimeeyay
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii la qiimeeyay dhacdooyin muran badan dhaliyay oo ka dhacay magaalada Rabat, halkaas oo ciyaartoyda Senegal ay si ku-meel-gaadh ah uga baxeen garoonka iyaga oo ka cabanaya go’aan garsoore oo la xidhiidha rigooro la siiyay Marooko daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta
Guddiga rafcaanka ayaa caddeeyay in cabashada
Guddiga rafcaanka ayaa caddeeyay in cabashada ay gudbisay xidhiidhka kubadda cagta Marooko ay ahayd mid sax ah oo waafaqsan xeerarka, taas oo keentay in la laalo go’aankii hore, isla markaana Senegal lagu xukumo guuldarro farsamo oo 3-0 ah
Muranka ugu weyn ayaa ka dhashay markii ciyaaryahanka reer Marooko ee Ibraahiin Diyaas uu ku dhacay gudaha diilinta, iyadoo garsooruhu markii hore iska dhaafay, balse dib-u-eegis VAR ah kadib la bixiyay rigooro. Arrintan ayaa dhalisay cadho xooggan oo ka timid dhinaca Senegal, taas oo keentay in tababaraha xulkaasi Baab Tiyaa uu amar ku bixiyo in ciyaartoydu garoonka ka baxaan
Inkasta oo markii dambe ciyaartoyda dib loogu soo celiyay garoonka, kaddib dadaal uu sameeyay kabtanka Senegal Saadiyo Maane, haddana waxaa la go’aamiyay in ficilkaasi jebinayo xeerarka tartanka, gaar ahaan qodobada 82 iyo 84, taas oo keentay in natiijada si rasmi ah loogu xukumo Marooko
Dhinaca kale, Senegal ayaa markii hore ku guulaysatay ciyaarta kaddib markii Baab Geeye uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dheeriga ahaa, hase yeeshee guushaas ayaa hadda si rasmi ah looga noqday, waxaana dib loo qoray taariikhda tartanka inkasta oo Marooko loo aqoonsaday horyaalka, haddana xidhiidhkooda kubadda cagta ayaa lagu ganaaxay lacago la xidhiidha falal dhacay intii ay ciyaartu socotay
Sida faragelin lagu sameeyay goobta VAR iyo isticmaalka leysarro. Si kastaba ha ahaatee, qodobka ugu weyn ayaa ah in Senegal lagala noqday koobkii ay dhawaan ku guulaysteen, loona gacan geliyay Marooko, taas oo noqotay dhacdo si weyn looga hadal hayo guud ahaan qaaradda Afrika.

0 Comments