Puntland iyo Galmudug oo Gaalkaco ku yeeshay kulan ku saabsan xoojinta amniga

Puntland iyo Galmudug

Guddiyada amniga Puntland iyo Galmudug 

 Guddiyada amniga Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac ee gobolka Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala deegaanada ay wadaagaan labada maamul

Mas’uuliyiinta ka socday guddiyada amniga

Mas’uuliyiinta ka socday guddiyada amniga ayaa sidoo kale falanqeeyay caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu xoojin karo nabadda iyo xasilloonida gobolka Intii uu socday shirka, labada dhinac waxay si gaar ah uga doodeen kordhinta dadaallada lagu sugayo amniga, iyagoo isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqeynta iyo is-weydaarsiga xogta amni

Labada maamul ayaa sidoo kale isku raacay

Labada maamul ayaa sidoo kale isku raacay in adkeeyo hirgelinta heshiisyadii hore loogu gaaray deegaanada la wada dego, si loo hubiyo in si buuxda loo dhaqan geliyo qodobadii lagu heshiiyay Dhanka kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay qorsheyaasha sugidda amniga inta lagu jiro maalmaha Ciid al-Fitr

Iyadoo la isla gartay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada shacabka, gaar ahaan xilliyada ay kordhaan isu soo baxa bulshada iyo dabaaldegyada

Guddiyada amniga ee labada dhinac ayaa ugu dambeyn ballan qaaday inay sii wadi doonaan wada shaqeynta iyo isfahamka, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Mudug.

Post a Comment

0 Comments