Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Ousmane Dembele
Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Ousmane Dembele ayaa ku booriyay kooxdiisa inay naxariis la’aan muujiyaan kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League marka ay la ciyaarayaan Chelsea Talaadada kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay si fudud ugu gudbi doonto quarter-finalka
Kadib markii ay 5–2 ku garaaceen Chelsea
Kadib markii ay 5–2 ku garaaceen Chelsea lugtii hore ee ka dhacday Paris toddobaadkii hore Chelsea ayaa si xun u burburtay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankaas, taasoo ka dhigaysa inay horyaallaan hawl aad u adag marka ay ku ciyaarayaan Stamford Bridge
Si kastaba, Dembélé, oo ku guuleystay Ballon d’Or,
Si kastaba, Dembélé, oo ku guuleystay Ballon d’Or, wuxuu ku adkaystay in PSG aysan difaac geli doonin, balse ay sii wadi doonaan weerarka:“Sidaan u sheegay kadib kulankii hore, maskaxdeennu waa inaan guuleysano. Ma noqon karno kuwo difaac kaliya ah. Waa inaan guuleysanaa
Waa inaan aad u feejignaanaa. Chelsea waa koox tayo sare leh, waxayna ku guuleysteen kulamo badan oo Yurub ah. Maskaxdeennu isma beddelayso — waxaan halkaan u nimid inaan guuleysano Dembélé sidoo kale wuxuu sheegay in PSG ay wax ka barteen dhibkii ay la kulmeen xilli ciyaareedkii hore, markii ay la ciyaarayeen Aston Villa wareegga quarter-finalka
Markaas PSG waxay hal mar ku hogaaminaysay 5–1 (wadarta guud) kulankii ka dhacay Villa Park, laakiin Aston Villa ayaa 3 gool oo degdeg ah dhalisay, taasoo ka dhigtay ciyaarta mid aad u kacsan ilaa dhammaadka

0 Comments