Farmaajo oo Ka Digay Khatar Ka Dhalan Karta Saxiixa Dastuurka cusub ee uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriirta wax ka beddelka dastuurka dalka, isagoo ka digay in arrintaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed

War-saxaafadeed kasoo baxay Farmaajo 

War-saxaafadeed kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in isbeddellada lagu sameynayo dastuurka ay yihiin kuwo khatar ku noqon kara nidaamka dowladeed, isla markaana laga yaabo inay dhaawacaan midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed

Farmaajo wuxuu tilmaamay in dowlad-goboleedyada

Farmaajo wuxuu tilmaamay in dowlad-goboleedyada qaarkood, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay muujiyeen walaac weyn oo ku aaddan qaabka wax ka beddelka dastuurka sida uu sheegay, mas’uuliyiintii hore iyo siyaasiyiin kale oo badan ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinkan ay abuuri karaan xiisad siyaasadeed iyo khilaaf sharci

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale xusay in hab-raaca dib-u-eegista dastuurka uu ka weecday nidaamkii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in dastuurka uu yahay heshiis qaran oo u baahan wadatashi ballaaran iyo isku-raac siyaasadeed ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ku baaqay in dalka dib loogu celiyo wadadii heshiiska iyo wada tashiga siyaasadeed

Si looga fogaado qalalaase iyo khilaaf hor leh oo saameyn kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo dalka uu wajahayo caqabado badan

Post a Comment

0 Comments