Xisbiga siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne
Xisbiga siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa si cad digniin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana lagu booriyey in inta uga harsan muddo xileedkiisa uu diiradda saaro qabanqaabada doorashooyin lagu heshiiyay oo ay ka wada qayb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka
Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray
Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis doorasho oo ay wada oggol yihiin dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo xasiloonida siyaasadeed
Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in haddii
Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in haddii aan la helin hab doorasho oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, ay taasi keeni karto xiisado siyaasadeed iyo xaalado aan la hubin oo saameyn taban ku yeelan kara maamulka dalka
Sidoo kale, xisbiga ayaa dowladda ku boorriyay inay mudnaanta siiso wadahadal iyo iskaashi ka dhaxeeya hogaamiyayaasha siyaasadda iyo hay’adaha dalka, si loo xaqiijiyo doorasho nabdoon, hufan oo lagu kalsoonaan karo, loogana hortago khilaafaad iyo dhibaato siyaasadeed oo ka dhalan karta Soomaaliya
War-saxaafadeedka ayaa muujinaya welwelka sii kordhaya ee siyaasiyiinta ka qabaan baahida loo qabo in go’aamada muhiimka ah la gaarsiiyo si wadajir ah, iyadoo dalka uu ku dhow yahay dhammaadka xilka madaxweynaha hadda jira

0 Comments