Shirka Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda oo ka Furmay Villa Soomaaliya

Shirka Golaha Mustaqbalka

Shirka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Somalia 

 Shirka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka furmay Villa Somalia, waxaana shirkan guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud warar qaar ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay Madaxweynaha u soo bandhigayaan afar qodob oo ay ku tilmaameen kuwo muhiim u ah jihada siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka

Qodobka koowaad ayaa la xiriira qabashada doorashooyin

Qodobka koowaad ayaa la xiriira qabashada doorashooyin ka dhaca saddex dowlad-goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Mucaaradku waxay ku doodayaan in loo baahanyahay in la qabto doorashooyin dadban oo la mid ah kuwii ka dhacay Puntland iyo Jubaland dhankiisa, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu doorbidayo in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah

Qaasoo ka dhigan in shacabka si toos ah u doortaan

Qaasoo ka dhigan in shacabka si toos ah u doortaan wakiilladooda, isla markaana uusan taageersanayn in mar kale lagu laabto nidaam doorasho dadban ah qodobka labaad wuxuu quseeyaa in la isla garto nooca doorasho qaran ee la qaadanayo, iyadoo mucaaradku soo jeediyeen in lagu laabto hannaankii doorashada dadban ee hore loo adeegsaday

Balse la ballaariyo tirada ergooyinka si loo helo hannaan hufan oo ka fog eedeymaha la xiriira “doorasho xulasho ah qodobka saddexaad ayaa ah ku dhaqanka iyo ilaalinta Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012, iyadoo mucaaradku dalbanayaan in dib loo eego wax ka beddelkii dhowaan lagu sameeyay

Madaxweynaha ayaa hore u difaacay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, balse muujiyay inuu diyaar u yahay wadahadal ku saabsan qodobbada qaarkood qodobka afraadna wuxuu ku saabsan yahay dhismaha guddi doorasho oo madax-bannaan, laguna kalsoonaan karo, si uu u maamulo hannaanka doorasho ee lagu heshiiyo

Shirka ayaa muujinaya kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo wadaxaajoodyadu weli socdaan si loo gaaro is-afgarad ku saabsan jihada doorashooyinka dalka

Post a Comment

0 Comments