Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab 

 Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib howlgal qorsheysan oo maalmihii u dambeeyey ka socday degaanka Deynuunay

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed, ayaa la sheegay inuu muddo ku jiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu ka qeyb qaatay falal amni-darro iyo qalalaase ka dhan ah shacabka, sida ay baahiyeen warbaahinta maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibistiisa ayaa ku soo beegantay xilli ciidamada ammaanku ay sare u qaadeen howlgallada lagu baacsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab

Isla markaana lagu burburinayo fariisimaha

Isla markaana lagu burburinayo fariisimaha ay ku dhuumaaleysanayaan howlgalkan waxaa fuliyey Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah, waxaana hoggaaminayey Taliyaha Ururka, Ayuub Cabdi Ibraahim taliye Ayuub ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay kusugayeen ammaanka degaanada Koonfur Galbeed ayna suurta gashay in horjoogahaan uu ciidanka isku soo dhiibo

Waxaana tani uu ku tilmaamay dhabar jar mid ku ah Al shabaab oo maalintii 2 ama 1 horjooge uu kasoo baxsanayo si uu iskugu soo dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ugu baaqay horjoogayaasha kale iyo dagaalamayaasha Al shabaab ee kusugan degaanada Koonfur Galbeed ay ciidanka isku soo dhiibeen ayna u diyaariyeen nidaam dhaqancelin ah si Bulshada ugu dambeyn uu ugu laabto

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa oo ka hanaqaada deegaannada ay dhibaatadu ka jirto

Post a Comment

0 Comments