Puntland ayaa ku eedeysay madaxda Dowladda Federaalka
Puntland ayaa ku eedeysay madaxda Dowladda Federaalka in ay khatar galiyeen nolosha Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan kuwa illaalada Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo safar u ahaa Magaalada Mogadishu iyaga oo hordhac u ah Shirka lagu ballansanaa in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho war-saxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntlan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Dowladda Federaalka ah uu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo Gogosha lagu ballamay
Islamarkaasna uu ka xun yahay in Golaha Mustaqbalka
Islamarkaasna uu ka xun yahay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbali doonaan gogosha Puntland waxay sheegtay in Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka iyo Guddiga diyaarinta Shirka ee Dowladda Federaalka ay isla meel dhigeen habsami u qabsoomidda Shirka
Illaa wakhtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan
Illaa wakhtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbaleen ka qaybgalka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah wuxuu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo Gogosha lagu ballamay, asaga oo sida muuqata aan fileyn in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay aqbali doonaan gogosha,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland
Puntland waxay ku wargalisay shacabka iyo Beesha Caalamka in aan marna la aqbali karin waxay ugu yeertay hab dhaqanka Madaxda Dowladda Federaalka ee lagu kala fogeynayo wadajirka iyo midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed
Si kastaba ha ahaatee, weli Dowladda Federaalka Soomaaliya wax jawaab ah kama bixin eedda loo jeediyay oo ah in ay Muqdisho ka celisay ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland

0 Comments