Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Warsaxaafadeed
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen si adag uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacday kulankii wadajirka aha ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kadib dood xooganeyd oo sababtay in Xildhibaanada Mucaaradka ay buuq iyo fowdo ku carqaladeeyaan fadhigii labada Aqal oo ay sheegeen in qorshuhu ahaa in Golaha la horgeeyo wax ka beddalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ka ah
Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka
Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in dhacdadii Shalay ee Baarlamaanka uu ka dambeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu cadaadis ku saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe si loo fuliyo qorshaha Villa Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay dhacdadii shalay iney aheyd masuuliyad daro wayn iyo ku takrifal awoodeed oo Baarlamaanka dhexdiisa ah, lana marin habaabiyay bulshada Soomaaliyeed
Goluhu wuxuu si dhow ula socday in madaxweyne Xasan Sheekh
Goluhu wuxuu si dhow ula socday in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku cadaadiyay guddoomiyaha in uu tallaabadan wax ka beddalka Dastuurka qaado, isla markaana uu guddoomiyaha si ula kac ah u marin habaabiyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo u sheegay in xildhibaannada loo qaybiyay cutubyadii wax ka beddalkooda ee lasoo jeediyay. Arrintan waxay muujineysaa mas’uuliyad darro siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Waxaa sidoo kale Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in ujeedka laga leeyahay sii wadista wax ka beddalka Dastuurka ay tahay in lagu fashiliyo wada hadalada u bilaabanaya dowladda iyo Golaha ee dhawaan ka dhacaya Muqdisho
Hadaba Golaha wuxuu hoosta ka xariiqaya in talaabooyinkan loogu talagalay in lagu carqaladeeyo geeddiga wada hadallada qaran ee u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo balansan yahay 1-ada Febraayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad u muujiyay markale iney kasoo horjeedaan wax ka bedelka Dastuurka, iyagoona ku baaqay in la joojiyo dhamaan talaabooyinka lagu bedalayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012-kii

0 Comments