Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya
Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ciidamada Ammaanka ay si guul ah u soo gebagabeeyeen howlgal ballaaran oo maanta ka socday magaalada Baydhabo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo carqalad ku hayay amniga iyo nolosha shacabka
Warbixin ay baahisay Telefishinka Koonfur Galbeed
Warbixin ay baahisay Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in howlgalka uu bilowday saacadihii hore ee subaxnimada, islamarkaana lagu beegsaday kooxo ay mas’uuliyiintu ku sifeeyeen kuwo ka soo horjeeday nabadda, kana shaqeynayay falal amni darro ah oo si toos ah u saameynayay dadka ku nool Baydhabo
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahin Bilaal, ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxihii hubeysnaa ee khatarta ku ahaa amniga magaalada la wiiqay, lana joojiyay dhaqdhaqaaqyadoodii
Waxa uu tilmaamay in howlgalka uu horseeday dib u soo celinta xasilloonida iyo badqabka shacabka ciidamada ammaanku waxay muujiyeen feejignaan iyo karti, waxaana hadda Baydhabo dib ugu soo laabtay xaalad deggan,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta, isaga oo xusay in la adkeyn doono sugidda ammaanka si looga hortago falal dambe oo amni darro ah
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in howlgaladu sii socon doonaan, ayna ka go’an tahay Maamulka in ay ilaashato sharciga, nabadda iyo badbaadada guud ee muwaadiniinta ku nool Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed

0 Comments