Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay dhacdadii
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay dhacdadii ka dhalatay dib u celinta duulimaadyo ka kala yimid Garowe iyo Kismaayo oo horudhac u ahaa wafdiga Madaxda Dowlad Goboleedyadaasi ay si nidaamka aan waafaqsaneen ay usoo daabuleen ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedadooda, ka hor shirka wadahadalada ee lagu qaban lahaa caasimadda Muqdisho
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in Dowladda Somalia
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, isla markaana ay hore u meel marisay qaraarro iyo baratakoollo cad oo lagu sugayo amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo guud ahaan caasimadda sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay
Hay'adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada
Hay'adaha amniga dowladda iyo guddiga qaban-qaabada shirka waxay ku wargaliyeen xubnaha guddiga ku matalayey golaha mustaqbalka, in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan la soo marin hanaankii iyo habraacyadii lagu dhaqmaayay" ayaa lagu yiri bayaanka ay wasaaradda soo saartay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in martiqaadkii shirka wadahadalada aysan waxba iska badalin, waxayna ku boorrisay xubnaha Madasha Mustaqbalka in ay ilaaliyaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si shirka loogu qabto jawi xasiloon, nabad ah oo ammaan leh
Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u cambaareeyay tallaabadii ay Dowladda ay maanta ku hor istaagtay duulimaadyadii kasoo baxay Garowe iyo Kismaayo

0 Comments