Laba Sabab Oo Ibrahima Konate Heshiis Cusub Ugu Saxiixi Karo Liverpool

Ibrahima Konate

Daafaca Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa laga yaabaa

 Daafaca Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa laga yaabaa inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogo Anfield, inkasta oo la soo wariyay in kooxda waaweyn ee Spain, Real Madrid, ay xiiseynayso daafacan Faransiiska ah ayaa waxaa xagaagii 2021 la soo wareegay tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, wuxuuna noqday mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda tan iyo markii uu hoggaanka la wareegay Arne Slot

26-jirkan ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay 31 kulan

26-jirkan ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay 31 kulan oo uu ku soo bilowday tartamada Premier League iyo Champions League, balse mustaqbalkiisa kooxda ayaa shaki galay maadaama qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa la soo wariyay inay muujisay xiise rasmi ah oo ku aaddan daafaca, isla markaana ay xiriir hordhac ah la sameysay wakiilladiisa si ay ugu saxiixato si xor ah xagaaga soo socda

Inkastoo wada-hadallo qarsoodi ah ay ka socdaan 

Inkastoo wada-hadallo qarsoodi ah ay ka socdaan dhinaca dambe, Ibrahima Konate weli ma uusan aqbalin dalabyada heshiis kordhinta ee Liverpool. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxaa jira suurtagalnimo ah in Konate uu si dhow u saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Anfield

Waxaa la soo wariyay in madaxda sare ee Liverpool aysan wali quusan rajada ah in Ibrahima Konate uu saxiixo heshiis kordhin ah, iyagoo tusaale u soo qaatay sida ay dib ugu dhaceen heshiisyadii Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah sannadkii hore ka hor inta aan la gaarin heshiis rasmi ah sida ay sheegtay TEAMTalk, kabtanka Reds-ka, Van Dijk, ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo in Konate uu sii joogo kooxda, taasoo ka mid ah arrimaha waaweyn ee ka shaqeyn kara danaha daafaca reer France

Marka labaad, milkiilayaasha kooxda, Fenway Sports Group (FSG), ayaa la sheegay inay muujiyeen rabitaan dheeraad ah oo ay ku oggolaanayaan dalabaadka Konate, isla markaana ay siinayaan heshiis cusub oo ku dhow waxa uu doonayo

Post a Comment

0 Comments