Soomaaliya oo ku guuleysatay Xubinimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Soomaaliya

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay inay ka mid noqoto 

 Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddada u dhaxaysa 2026 ilaa 2028, taas oo loo arko guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah kuna astaysan dib-u-soo kabashada kaalintii Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadda qaaradda Afrika iyo tan caalamkaba

Doorashadan ayaa ka tarjumaysa kalsoonida iyo aaminaadda 

Doorashadan ayaa ka tarjumaysa kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen Soomaaliya, kaddib sanado ay dalka wajahaysay caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo warbaahinta la hadlay kaddib doorashada, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si qoto dheer ugu mahadcelinayso dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharraxnimada Soomaaliya

Wasiirku wuxuu xusay in taageeradan ballaaran ay caddeyn u tahay iskaashi xooggan iyo himilo mideysan oo ay dalalka Afrika wadaagaan, kuna wajahan dhismaha qaarad nabad ah, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga ay Soomaaliya u tahay masuuliyad culus, isla markaana ay ka go’an tahay inay si wax ku ool ah uga qayb qaadato dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ee qaaradda Afrika

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ah hay’ad muhiim ah oo qaabilsan ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta wada-hadalka iyo nabadda waarta. Xubinimada Soomaaliya ee golahan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo doorka ay dalka ka ciyaari karto go’aan-qaadashada amniga qaaradda.

Post a Comment

0 Comments