Wakhtiga Uu Enzo Mareca Waayi Karo Shaxdiisa Chelsea Oo La Ogaaday.

Enzo Mareca

Enzo Maresca waxa uu sanadka 2025 ku dhamaysanayaa

 Enzo Maresca waxa uu sanadka 2025 ku dhamaysanayaa isaga oo ah tababaraha kooxda chelsea ah laakiin booskiisa ayaa si weyn halis ugu jira haddii natiijooyinka ayna si degdeg ah u wanaagsanaan, sida ay sheegtay Sky Sports kooxda Blues ayaa hal guul oo kaliya gaartay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League

Taas oo mustaqbalka tababaraha Talyaaniga ah

Taas oo mustaqbalka tababaraha Talyaaniga ah gelisay xaalad aad u hubanti la’aan ah qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay ee chelsea ayaan fiicnayn xaalada kooxda chelsea iyada oo cadaadiska ku kordhisay tababare Maresca kadib farxad weyn oo ka dhalatay guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaareen Barcelona bishii November

Kooxda ayaa hoos u dhacday, iyada oo la kulantay 

Kooxda ayaa hoos u dhacday, iyada oo la kulantay natiijooyin niyad jab leh kulamadii ay la ciyaareen Leeds United, Atalanta, Aston Villa, iyo barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Bournemouth xilligii fasaxyada Tababaraha Talyaaniga ah ayaa sidoo kale si cad u muujiyay caro iyo niyad jab

Isaga oo ku tilmaamay labadii maalmood ee ka horreeyay guushii Everton ee 13-ka December inay ahaayeen “48-kii saacadood ee ugu xumaa” intii uu joogay Stamford Bridge hadalladiisa ayaa iftiimiyay xiisado kala dhexeeya maamulka kooxda, isla markaana keenay su’aalo ku saabsan sida uu mustaqbalkiisu uga sii jiri doono kooxda

Ciyaartoyda Chelsea ayaa la siiyay laba maalmood oo fasax ah kadib barbaradii Bournemouth, waxaana la filayaa inay tababarka kusoo laabtaan Jimcaha si ay ugu diyaar garoobaan safarka Axadda ee ay ku tagayaan Manchester City

Kooxda Blues ayaa u safraysa Etihad iyada oo 10 dhibcood ka dambeysa kooxda Pep Guardiola, kadib markii ay lumiyeen 20 dhibcood kadib markii ay ku hor mareen goolka furitaanka kulamadii ay ciyaareen

Post a Comment

0 Comments